Dhulka Xabaalaha Tog-Wajaale Oo Laga Iibiyay Ganacsade iyo Silsilad Musuqmaasuq Oo Ka Dambeysa Iibka Xabaalaha

0
1015

Tog-Wajaale, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xiligan ee Degmada Tog-Wajaale Cabdi Saleebaan ayaa, qalinka ku duugay dhulka Xabaalaha Tog-Wajaale ee Cidhifka Waqooyi kaga yaala Magaalada kadib markii laga iibiyay mid kamid ah Ganacsatada Waaweyn ee Somaliland Maxamed Xuseen(Indha-birta), oo ay dilaaliin u ahaayee Mukhalaska Caligobanimo iyo Rag kale.

 

Iibka Dhulka Xabaalaha Tog-Wajaale oo xanshashaqiisu saamayn xoogan ku yeeshay Gudaha Magaalada wajaale hadalheynta Ganacsatada iyo dadweynaha, ayaa la sheegay in ay sababi doonto cadho ilaahay maadaama dhulkan(Xabaalaha) ee Maamulakni faasaxey uu hore u bixiyey Madaxweynuhu iyadoo klaga soo ey Dhulbreedka Mashruuca Tog-Wajaale jara,waxa dadka intiisa badani isku waafaqeen in cadhada xaga Rabi ee ka timaada ficilkan xumi ay saamayn badan kuyeelaneyso Degmada Tog-Wajaale iyo Deegaan ahaan  arintan oo xoog u kicisey Dareenka Dadweynaha Reer Tog-Wajaale,waxa kujira faasaxeeda silsilad xidhiidhsan oo ay kamid yihiin Gudida Cashuuraha bilaa sharciga ah ku qaada Magaca Rugta Ganacsiga,oo indhawaale habaar lala daba joogay kadib markii ay meel kasta oo ka dhaqaaqeysa Tog-Wajaale gacanta galiyeen islamarkaana, wax kasta oo arimaha Bulshada ah ku koobeen in ,looga faa,ideysto dano gaar ah Gudidaasi oo dhinaca Masaajidada markii hore ku qabsadey Bulshada Masaajid ay si xoog ah ugu dagaalameen iyo arimo kale, waxa kamid ah Xubnaha had iyo jeer Reer Tog-Wajaale carabka ku hayaan Maamulihii hore ee Shirkada Telesom Yuusuf-Cali oo isagu Maamulka Shirkadaasi iskaga casiley Lacagahan Cabdoo Qalad bilaa Xisaabka ah iyo Wakiilkii Bakhaarka Nuuryare Maxamed Jaamac oo ay cagta isla heleen markii uu fashiliyey Dhismayaashii Jidadka Gudaha Magaalada Tog-Wajaale.

 

Ganacsadaha laga iibiyay Dhulka Xabaalaha ee Tog-Wajaale Maxamed Xuseen(Indha-birta), ayaan ka warheynin in goobta laga iibiyey tahey halkii loo bixiyay Waqfiga Xabaalaha taas, oo uu Wakhti xaadirkan Markhaati ka yahey Gudoomiyihii hore ee Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi, waxaanay arintani ku koobneyd Maamulka Tog-Wajaale iyo mukhalaska Cali Gobanimo oo arimaha Tog-Wajaale meelo badan kasoo gala.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here