Shaabaash Ma Xeerka UCID buu akhriyay mise KULMIYE..?

0
1003

Nin Ka Madhan Xeerka Ucid oon Garanayn oon Akhriyin oo Iska Sheeganaya Afayeenka Ucid Ayaa Wuxuu Yidhi “Xeerka ucid Wuxuu Dhigayaa In Ninka Musharax Ka Noqonaya ugu Yaraan Labo Sano Xisbiga Ka Mid yahay”. Malaha Xeerkii Kulmiye Ayuu Ku Khalday, Waxaan Leeyahay Adeer Xeerka Ucid Laguma Shaxaad Tago Wax Been Laga Sheegana Maaha Waayo wuu Qoranyahay.
Shuruuadaha Xeerka Xisbiga UCID ee Musharaxa Madaxweyne iyo Ku Xigeen, Meel Ay Kaga Taalo Ma Jirto Labada Sano ee uu Sheegay, (Qodobka 28) Laakiin Waxa Lagayaabaa In Xeerka Kulmiye Sidaas Ahaa. Subxaanaka Yaa Cadiim.

 

Shaabaash. Wuxuu Been Ka Sheegay Xeerka Xisbiga Aqoondaro ayay ka tahay. Waayo Mabuu Akhriyin oo Xisbiga Kama Mid ah. Anigu Waan Ogahay In Kulmiye Laga Soo Waariday Waana Xubin Golaha Dhexe ee Kulmiye ah “Xaafadi Waxay Xaafad Ugu Wareegtaa Waa Xasarad” Meel Uu Isku Casilayna Ma Arag. Wali Waa Kulmiye iyo Shirqooladiisii Uu Ku Caano Maalay. Mr. Shaabaash Dhowaan Ayaanu Anshaxmarin Ku Samayndoonaa Hadaanaan Ciqaab ugu Sii Darin Marka Sharciga Laysla Tago Dhamaan Intii Sharciga Ucid Ka Booday Waxaanu Marin Sharciyada Xisbiga.

shaba

shabaa

Cagtii Joogsan Waydaa
Mar bay Ceeb La Kulantaaye
Cidhibtiisa way go’adaa
Qofkii laba canleeyaaye

 

Alaa Mahad Leh
Mohamed Gacayte
Golaha Dhexe ee UCID

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here