Cali Duul-duul Oo Dhaliillo Culus U Jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi

0
1030

Hargaysa (HP): Dhaqan yaqaan Cali Ismaaciil Carab (Cali duul-duul), ayaa ku dhaliilay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi in aanay qaab cadaalad ah u fulinin soo celinta hantidda qaranka ee ay haystaan dadka shacabka ah.

Waxaanu sheegay in ay jiraan dhismeyaal hanti qaran ah oo ay haystaan dad ay isku beel yihiin madaxweyne Biixi, isla markaana aan weli laga qaadin.

Halka meello ay haysteen ama xukuumado hore ay ku waareejiyeen dad shacab ah oo weliba heshiisyo lagu siiyay ay xukuumadda madaxweyne Biixi si xoog ah kagala wareegtay.

Dhaqan yaqaan Cali-Duul-duul, waxa uu si gaara farta ugu fiiqay sababta ay xukuumadu u beegsatay hudheelka Hargeisa Club oo dhawaan ay si xoog ah ciidamadu ugula wareegeen laba muwaadin oo loogu wareejiyay.

Cali Ismaaciil, oo maanta Hargaysa warbaahinta kula hadlay waxa kaloo uu ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, oo xukuumadda ku dhaliilay in ay si gaar u beegsato beeshiisa.

Waxaanu Cali Duul-duul, ku eedeeyay suldaanka in aan looga fadhiyin in uu beeshiisa oo keliya u hadlo, isla markaana beeshiisu ay ka mid tahay beelaha Somaliland dega cid duudsiyi kartaana aanay jirin.

 

Halkan Ka Daawo Cali Duul-Duul Oo Arrimahaasi  Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here