Dhallinyaro Soomaali Ah oo Isku Rasaaseeyay Minneapolis

0
653

Minneapolis (Hargeisa Press) – Waxaa dhowaanahan amni-xumo laga dareemayay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, gaar ahaan aagagga ay Soomaalidu ku badan tahay.

Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay is-rasaasayn ku dhex martay agagaarka suuqa 24-ka ee magaalada Minneapolis dhallinyaro Soomaali ah.

Jamaal Cusmaan oo xubin ka ah golaha deegaanka magaalada Minneapolis oo la hadlay idaacada VOA, ayaa sheegay in dhacdadii ugu dambeysay ay ka dhacday agagaarka suuqa 24-ka, taasi oo lagu rasaaseeyay wiil dhalinyaro Soomaali ah.

“Arrinta dhacday waxay ahayd dad dhalinyaro ah oo hub iska wata, ayaa dadka baadhanaya oo dariiqa u istaagaya, Wiil Soomaali ah oo meesha marayay ayaa la damcay in gaadhigiisa laga xado wuxuu isku dhajiyay furihii markaasay xabado ku fureen,” ayuu yidhi.

“Boolis la’aan ayaa jirta oo waxay ku mashquuleen arrimaha adag oo wakhti uma hayaan inay meelihii fadhiistan.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in kooxda rasaasaysay wiilka dhalinyarada Soomaaliga ah ay ahaayeen dadka madowga ah, isaga oo xusay inay jiraan mararka qaar dhalinyaro Soomaali ah oo sidan oo kale dadka dhib u gaadhsiiya.

“340 Boolis ah ayaa magaalada ka tagtay oo meeshii 30-ka ama 40-ka joogi jireen hadda waxa jooga 5 ama 6 Boolis ah. Waxaa ku dadaalayna in aan kordhino Booliska si wax looga qabto arrintan.” ayuu yidhi.

Jamaal, ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan gudaha Minneapolis iyo guud ahaan gobolka inay qeyb ka noqdaan dadaalada socda ee lagaga hortagayo falalka amni darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here