Somaliland iyo Itoobiya oo Iska-kaashanaya Xirfadaha Waxbarashada

0
1597

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Wefdi balaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr. Cabdihakim Siciid Bustaale iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah madaxda waaxyaha wasaaraddaasi, ayaa ku sugan magaalada Adiss ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Wefdigan, ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Macadka Barashada Xirfadaha ee dalka Itoobiya iyo sidoo kale wasaaradda shaqada iyo xirfadaha dalka Itoobiya.

Ujeedada safarkan, ayaa ah sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen aqoonta la xidhiidha waxbarashada xirfadaha iyo sidii ay Somaliland uga heli lahayd deeqo waxbarsho oo dhanka xirfadaha  ah.

Wasiir ku-xigeenka iyo Xubnaha wefdiga ee ka socday Somaliland, ayaa kulamo balaadhan la qaatay madaxda macadka barashada xirfadaha, iyaga oo warbixin dheer halkaasi ku siiyay wefdiga.

Ugu danbayn madaxda macadka barashada xirfadaha ee dalka Itoobiya, ayaa Wefdiga ka socday Somaliland soo wada tusay dhamaan  qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay macadku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here