Dhalinyarada Reer Hargeysa Oo Naqdiyey Weedhihii Naxliga Ahaa Ee Kasoo Yeedhay Mulkiillaha Waddani, Golaha Wakiilladana Baaq Gaar Ah U Diray

0
1353
Qaar ka mid ah dhalinyaradda aqoonyahanka ah ee magaaladda Hargeysa

Hargeysa,(HargeisaPress) —Qaar ka mid ah dhalinyaradda aqoonyahanka ah ee magaaladda Hargeysa ayaa nasiib daro ku tilmaamay  hadalp dhawaan ka soo yeedhay  guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kaasi oo ay sheegeen in hadalo cunfi iyo naxli kala dhex dhigaya dadka walaalaha ah ee reer Somaliland inay kasoo yeedhay.

Dhalinyaradan oo shalay shirjara’idku qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa tilmaamay in gudoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro muddo Somaliland dagaal sokeeya oo muddo hore ahaa oo la soo dhaafay  doonayo inuu ololaha doorashadda ku gallo.

Waxaanay sidoo kale ka dhawaajiyeen in gudoomiye Cirro shacabka Somaliland ka doonayo cod doorasho, balse uu qardo jeexayo oo uu maray wado uu ku waayi karro cod badan oo qaybo ka mid ah reer Somaliland uu ka heli kari lahaa.

Sidoo kale dhalinyaraddan ayaa Golaha Wakiiladda Somaliland ugu baaqay inay degdeg u ansixiyaan Miisaaniyadda Qaranka oo ay sheegeen inay dhalinyaradda dalka ugu jiraan mashaariic badan oo horumarineen, isla markaana ay ansixinta miisaaniyadaasi u dabran yihiin arrimo badan oo qaranka ku taagani, isla markaana wax ka qabashadoodu ku xidhan miisaaniyadda, waxaanay Guddoomiyaha Wakiilaadda uga digeen inuu dhexda iskaga marro miisaaniyadda qaranka.

Ugu horayna Faysal Cumar Madar (Faysal Qumuj) oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaad mooda in baryahan bulshada Somaliland cunfi iyo naxli la kala dhexdhigayo dadka walaalaha ah ee Somaliland, taas oo si cadownimo in loo kala qaybqaybiyo umaddan walaalaha ah ee reer Somaliland, dhowaan waxa ka soo yeedhay gudoomiiyaha WADDANI xasuuq baa la gaystay iyo hebel baa xasuuq geystay, taas oo dagaal sokeeye ay dadkani ka soo gudbeen horana loo soo afjaray maanta Somaliand marayso heer xisbiyo la samaystay oo qof wlaba qofka uu doonayo dooranayo, waxaan leeyahay Somalilnad way dhaaftay xili la kala qaybqaybiyo oo la iska hor keeno dadka.Xisbiga kulmiye kama go’na wax nabadgalyada waxyeelaya, ta kale doorashadda Somaliland kama dhacayso Muqdisho, xisbiga wadani umadda Somaliland ha u cadeeyo madaxda Soomaaliya ee ay la kulmeen waxay ku wada hadleen. Hadaba waxaan leeyahay reer Somaliland gaar ahaan dhalinyaradda nabadgalyadda sidii caadadda idiin ahayd inaad ilaalisaan, siyaasiga khaldana inaad ogaataan oo aad qabataan,, nin Dan lehna ka diida mabda’a khaldan ee uu wato”.

Guleed Maxamed Muuse (Guuleed Qarro) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “waxaan halkan kaga hadlayaa miisaaniyad sanadeedkan 2017-ka ee golaha Wakiiladda hortaalla,waxaan leeyahay miisaaniyaddu waa wax faa’iido badan qaranka ugu jirto, oo dhinacyo badan taabanaysa, waxaan leeyahay gudoomiye Cirro waxa ku sugaya ciidamaddii qaranka Somaliland iyo hay’adihii dawliga ahaa iyo waliba miisaaniyadan oo dhalinyarada Somaliland ugu jirto barnaamijyo waxqabad oo lagu horumariyo haday tahay garoomadda ciyaaraha ee goboladda iyo degmooyinka dalka ee dalada SONYO iyo arrimo wixii la mid ah. Marka waxaan leeyahay haddii sida ugu dhakhsiyaha badan loo ansixin waayo waxay keenaysa dib udhac  ku yimaadda hawlihii qaranka, marka waa in bilaa shuruud lagu ansixiyaa haddii kale isaga ka masuul ah dib udhaca doorashadda ku yimaadda”.

Sidoo kale, Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed (Muuse Case) oo ka mid ahaa dhalinyaraddii halkaasi ka hadlay ka digay in ololaha lagu galoo dhibaato hore u dhacday oo laga heshiiyey, isla markaana ay ceeb ku tahay dadka doonayo inay olole ka dhigtaan arrimaha noocaas oo kale ah, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Afar doorasho oo aynu galnay hore olole looguma galin arrimahan  uu ka hadlay Guddoomiye Cirro ee dagaalka sokeeye oo muddo hore ahaa,  waxanu ahaa dhibaato laga soo gudbay oo aanay cidna jeclayn, oo  Somalilnad samaystay asxaab qaran oo beelihii waxaasi dhexmareen laga heshiiyey oo cidii dirirtaasi dhexmartay xisbiyada qaranka ku jiraan oo labdda dhinac ku jiraan maanta waa dad isku duuban, waxaana  leeyahay gudoomiyaha golaha Wakiiladda may fiicnayn in xisbi uu tartan ka dhexeeyo ku eedeeyo wax dhacay xili la soo dhaafay oo cidda uu eedeynayaa aanay masuuliyadeedda lahayn, waxaana xisbiga Wadani dhalinyaro ka tirsan oo nabaro gaadhay ku eedeyanyaa xisbiga kulmiye oo ay been abuur ahayd beentaasi, takale Hargeysa dagaal baa ka dhici iyo hadaladda noocaas ah haddii aanu nahay dhalinyaraddii dhag jalaq u siin mayno, taasna waanigii baaqa ka soo saarnay oo gudoomiyeyaashii garabyadda dhalinyaradu baaqa ka soo saareen.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here