DEG DEG: Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo Ku Baaqay Xilka Xayuubin Ka Dhan Ah Madaxweyne Muuse Biixi iyo Doorasho Deg Deg Ah

0
893

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku fashilmay hogaaminta Somaliland.

Ucid iyo Waddani ayaa ka dhawaajiyey in Madaxweyne Muuse Biixi uu “noqday Kaligii-taliye”, isla markaana loo baahan yahay in xilka si deg deg ah looga xayuubiyo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Labada xisbi ayaa si wada-jir u soo wada jeediyay in Doorashada madaxtooyada Somaliland la qabto sanadkan inta aanu dhamaanba muddo xileedka Madaxweyne Biixi, maadama “uu ku fashilmay” xilkii loo igmaday.

Sidoo kale, Labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Waddani ayaa sheegay in qadiyadii gooni isu-taaga Somaliland uu hoos u dhac weyn ku yimid, iyagoona xusay in Xukuumada Madaxweyne Biixi ay dhiiri-gelisay inay lunto rajadii madax banaanida.

Hadalka Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ka dambeeyay, ka markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan sheegay inuu furayo ururrada siyaasadda iyo axsaabta Qaranka, maaddaama oo 2-dii sanadood ee u dambeeyay ay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID ku lumiyeen khilaafkii ka dhashay Komiishanka doorashooyinka Somaliland.

Xisbiyada Mucaaridka ayaa si weyn uga soo horjeeda hab maamulka Madaxweyne Muuse Biixi, iyadoona xiisada kala dhaxeysa Mucaaridka ay sarre u sii kacday muddooyinkii u dambeeysay.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here