Ururka Sarifleyaasha Somaliland oo Gudoomiye U Doortay Barkhad Ahmed Coofiye

0
988

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ururka Sarriflayaasha Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa shir ay ku yeesheen Jimcihii shalay ku doortay Guddoomiyaha Ururka Sarriflayaasha Somaliland, waxaana Shirka doorashada Hoggaanka Sarriflayaasha ka qaybgalay oo goob-joog ka ahaa Masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Shirka lagu doortay Guddoomiyaha Sarriflayaasha, waxaa ka qaybgalay Ergo ka kala socotay Sarriflayaasha gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxaana Guddoomiye loo doortay Barkhad Axmed Coofiye, kaas oo ay cod gacan-taag ah ay ku doorteen 126 Xubnood, halka Musharrixii kale ee la tartamayey ay u codeyen 83 xubnood.

Kulankan Guddoomiyaha Sarriflayaashe lagu doortay waxaa ka qaybgalay Masuliyin ay ka mid ahaayeen Maayerka caasimadda Hargeysa, Agasimaha guud ee Baanka dhexe, Agasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, Maareeyaha Baanka dhexe, Badhasaab ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Mudan iyo Marti-sharaf kale.

Intaas ka dib waxa halkaas ka hadlay Duqa magaalada Hargeysa, Agasimaha Baanka dhexe, Agaasimha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex, waxaanay hambalyo, bogaadin iyo duco u direen guddoomiyaha cusub ee Sarriflayaasha, iyagoo sidoo kale nin si fiican u shaqeeyey ku tilmaamay guddoomiyihii hore ee Sarrfilayaasha Somaliland, waxaanay ballan-qaadeen inay guddooyaha cusub si fiican ula shaqayn doonaan, kuna ilaalin doonaan masuuliyadda saaran oo ay Allaah uga baryeen inuu ku asturo xilka loo doortay, iyagoo tilmaamay inuu ilaaliyo lana ilaalin doonaan is-beddellada sarrifka oo saamayn ku leh dhaqaalaha dalka iyo muceeshadda nolosha dadka reer Somaliland lagama maarmaanka u ah.

Guddoomiyiihi hore ee Sarriflayaasha Somalilnd , ayaa halkaas ka hadlay, waxanu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub, isago kula dardaarmay in si dhex-dhexad ah uu ugu adeego ganacsatada uu guddoomiyaha u noqday, uguna duceeyay xilka uu qaaday in alle ku asturo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Sarrfilayaasha Somaliland Barkhad Axmed Coofiye, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu ballan-qaaday inuu si daacad ah ugu shaqayn doono ganacsatada uu masuulka u noqday ee xilka u doortay ee Sarriflayaasha, Ganacsatada kale ee dalka iyo Bulshada Somaliland, sidoo kalena waxa uu xusay inuu si hufan ula shaqayn doono hay’adaha ay Sarriflayaasha wada-shaqaynta leeyihiin ee dowladda u qaabbilsan arrimaha dhaqaalaha dalka.

Guddoomiyaha cusub, ayaa ah shakhsi muddo ka soo shaqaynayey Sarrafka, isagoo ka mid ah Sarriflayaasha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland fadhigoodu yahay, sidoo kalena waxa uu mar ahaa afhayeenka Sarriflayaasha Hargeysa.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here