Dawlad dillaal ah iyo dal rahman! By: Maxamed Siddiiq Dhamme

0
1008

Dawladnimadu waa daryeel iyo dammaanad ay ku noolyihiin dadka cashuur bixiyayaasha ah, waa adeegidda bulshada, samaynta kaabayaasha dhaqaalaha. Dawladnimadeenii ay ahayd inay ka shaqayso horumarinta iyo dayactirka dalka waxay noqotay macal-qabad faa’ido doona oo halkii hadba ay arkaan in lacag buurani kasoo galayso miiska saara. Dillaaliin mamay oo kala hororsanaya danta guud, dhismayaasha dawlada, dekedaha, madaarada iyo khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan dalka.

 

Madaxweyne Siilaanyo dhiilo weyn iyo dhabar jab qaran ayay ku ahayd markuu ka hadlaayo dhawrkii guriyee  shacabka ee  Madaxweyne Riyaale waqtigiisi la iibishay, qiirada qarracanka iyo qoomamada ka muuqan jirtay wuxuu u muuq eegaa nasri qaranka badbaadinaya. Siyaasad iyo barnaamij qoris marisa oo qawlaysato mamatay ku adeeganaysuu  noqday buuggi cagaara ee aan la mahadin. Xilkasdaran waxay xididada u siibtay dhammaan dantii guud ee ka dhaxaysay ummadda Somaliland.

 

Maanta danguud oo ka dhaxaysa ummadda Somaliland wax la sheego kamay tegin Ayaxa Kulmiye ee dalka sida diirta diirtay.  Dhammaan waxay  ka iibiyeen gancasato  doollar la dalluumaysa  oo aan xaaranta iyo xalaashu u kala soocnayn, dhulkii bannaan kii dhisanaa iyo guriyihii qaranku lahaa waxa hanti gaara ka dhigtay dad laga iibiyay, lacagtii adkayd ee la siiyay hntidaasna jeeb cid gaarala lagu shubay oo waata guryaha qasriyada dhaadheer lagaga binaystay dalka iyo qaaradaha dunida qaarkood.  lexejeclo ka haysa dantaa guud ee la xaraashay Xisbig Kulmiye ma jirto fooladbay u tahay, ninkastaa wuxuu eexaysanayaa qadhiidhka kasoo gaadhaya malaayiinta suuqa madaw lagu leexsanayo.

 

Waxa la dhaxli doonaa dal rahaman bad iyo berri oo la iibiyay, qasnado la boobay oo aan shilin lagag tegin, bulshadu waxay filaysay in Siilaanyo danta guud ilaalin doono wayse noqotay Xukuumaddisu horror aan aqal dhaafin. Guryaha waaweyn ee loo iibiyay sida sharci darrada ah, dhulka la boobay ee aan loo marin sharciga cidda iibsanaysa maanka haku hayso in ummadda Somaliland ay ka dhexeeyaan oo aanay ahayn hanti xukuumadda xaraashatay lahayd.

 

Dhulkii maanta laysla dhaaf, dhismayaashu meel sokay ahaayeen waxa la marayaa in dekeddi ahayd hunguriga Somaliland Carabta xaraashkeeda laysu daba yaaco, waxa kaliya ee laga dheefayaa waa xaqul qalin iyo wareejin xaaran oo lagu qaato malaayiin doollar. Dekedda waxa ku nool Somaliland xishood iyo lexejeclo ummaddeed ma jirto waa boob iyo dhac. Madaarka Berbera ku xiga isna oo loo wareejinaayo si sharci darro ah. Dastuur la dhawraya ma jiro waa siday doonaan ee doolar lagu helaayo. Kaydkii shidaalka ee haamaha Berbera waataynu ogayn halkii la mariyay iyadoo baarlamanku diidayay. Dawladda Siilaanyo waa feento furuq ha galee.

 

Bulshada waxa la gudboon inay hantida ka dhaxaysa ee cidda gaarka ahi manaafacaadsanayso ilaalinteeda meel uga wada jeestaan, Dekedda Berberi waxay ka dhaxaysa ummadda Somaliland haddi gacanta loo gesho shisheeye macaash doonana waxa laga eegi doona meel dheer. Danta guud waxay ku wanaagsantahay dawladdu inay gacanta ku hayso oo ummaadda ay ka dhaxaso.

Xukuumaddenu markay dhammaan dantii guud badh iibisay, badh kirayso ee ay badhka hadhayna qaybsato maxaa innaga dhexayn doona, maxayse maamuli doontaa ee ay ku ahaanaysa dawlad. Ma waxay lahaan doonta oo ay dawlad ku ahaan doontaa daaraha suuqa ee dadku dhisteen, ma waxay geli doontaa kiro oo waxay ahaan dawlad dul saara oo aan lahayn danguud. Dalka halla badbaadsho oo hallaga qabto qawlaystada iimaan beeshay. Sida la wadaa waa cashuur aan adeeg iyo danguud oo innga dhaxaysa lahayn bixiya.

 

Madaxweyne taariikhdu waa mudan waa madho qormaysa, waxa diwaanka kuugu jira inaad noqotay hoggamiyihii xukuumaddiisu ugu danguud cunka badnayd, xukuumaddi ugu musuqa badnayd, xukuumaddi ugu qabyaaladda badnayd, xukuumaddi ugu daryeelka bulsho yarayd, waxa loo baahanayahay cimriga yar ee kaaga hadhay xukunkaaga inaanad ceeb ku sabootiyin. Dekedda dalku waa luqmata-xajar aan cunaha dhaafayn, haddi haami aad ku xaraashtay sidii xaaranta ahayd oo shacabku kugu nabad geshay dekedda cunaha dhaafimayse qaranka ka daa hagardaamada.

 

Iimaan laawayasha dilaalinta ah ee kiishka aan buuxsamayn gosha ku sita ha xasuusnaadaan xoolaha ummada xatooyadooda laguma hodmo, xoolaha maatida dayacan ee aan haysan Caafimaad, waxbarasho, biyo nadiifa iyo daryeel dawladeed inaydaan ku tanaadayn ee aad ku saxariiri doontaan maanta iyo berri. Dawladda la xaraasho da’yarteedii waata baddaha ku daadanaya, daryeel waxa u baahan dhallinta daaduuntay iyo dalkaad hoojiseen.

 

 

Maxamed Siddiiq Dhamme

Af-hayeenka dhallinyarada Xisbiga WADDANI

Maxamed Sidiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here