Dagaal Dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta Dalka Itoobiya

0
941

Jigjiga (Hargeisa Press)- Dagaalkan ayaa Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya waxaa ku dhaxmaray deegaanka Alaale oo hoostaga Gobolka Siti ee Ismaamulka Soomaalida, waxaana lagu dilay dad u badan Soomaali oo qeyb ka ahaa dagaalkaas.

Barkhad Diiriye oo ka mid ah dadka deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalkaas lagu dilay 14 Ruux oo Soomaali ah 7 kalena lagu dhaawacay, isla markaana ay la wareegeen tuulada Alaale inteeda badan oo ay deganaayeen dad Xoolo Dhaqato ah.

Wuxuu ku eedeeyay Dadka Canfarta in ay mar walba dadka xoolo dhaqatada ah ku hayaan weerarro joogto ah, isla markaana ay doonayaan dhul balaadhsi, hayeeshee dadka deegaanka ay inta badan iska difaacaan, sidoo kalena laga cabsi qabo in markale uu dagaal dhaco.

Ismaamulka Soomaalida ayuu sheegay in ay ka gaabiyeen Gurmadkii looga baahnaa, waxaana uu ka dalbaday inay taageero dhinaca Caafimaadka ah ay soo gaadhsiiyaan si looga baaqado in dadka qaarkood ay dhaawacyada u dhintaan.

Dagaalka ka dhex bilawday Soomaalida iyo Canfarta ayaa imanaya xili hore sida oo kale dagaalo xoogan ay u dhex-maraan Soomaalida iyo Oromada ku wada nool Itoobiya, balse markii danbe la sheegay in labada dhinac ka heshiiyeen colaadii dhaxtaalay.

 

Hargeisa Press.com/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here