Qarax Xoogan oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
680

Muqdisho (Hargeisa Press)- Waxaa goor dhawayd qarax aad u xoogan oo jugtiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Goojoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo halkaasi marayay, waxaana wararka qaar sheegayaan in lala  eegtay gaadiidka Ciidamo Talyaani ah oo wadada marayay.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaadhay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo aagaasi xidhay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu gubanayo mid kamid ah Gawaadhidii ay wateen Ciidamada Talyaaniga oo kamid ah Ciidamada Midowga Yurub ee Soomaaliya u joogo inay tababar siiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here