Dadaal Lagaga Hortagayo Qorshe Ay Canada Ku Mustaafurineyso Dad Soomaali Ah

0
459

Ottawa (Hargeisa Press) – Dowladda dalka Canada, ayaa dhowaan sheegtay in dad Soomaali ah oo dalkaasi ku sugnaa la mustaafurinayo kadib markii lagu qanci waayay jinsiyadda ay sheegteen ee Soomaalinimo iyo waraaqaha ay dalkaasi la soo galeen.

Mas’uuliyiinta jaaliyaddaha Soomaalida ee Canada, ayaa tallaabadaasi kadib waxaa ay ku hawlanaayeen sidii ay xal ugu heli lahaayeen xaaladda dadkaasi ee joogitaankooda muranka la galiyay.

Hoggaamiyeyaasha Hooyooyin ku mideysan sidii wax loogu qaban lahaa dadkaasi, islamarkaana ka mid ah Hooyooyin Caruur ay dhaleen hore loogu dilay dalkaasi, ayaa ka hadlay go’aanka ka soo yeedhay dowladda Canada ee ku aadan mustaafurinta dadkaasi Soomaalida ah.

Mid ka mid ah Hooyooyinkaasi, ayaa sheegtay in ay wadaan dedaalo la xidhiidha sidii ay uga hortagi lahaayeen mastaafurinta dadkaasi iyo sidii loogu dacwoon lahaa dadka sharciyadooda laga qaaday.

Waxay kale oo ay sheegtay in iyaga oo wata qareeno ay la kulmeen ra’iisal wasaaraha dalka Canada una sheegeen in dadkani ay yihiin Soomaali oo aanay baasaboor kale wadan.

Dadkan oo sannado joogay dalka Canada, ayaa kiisaskooda dib loo eegay kadib markii ay xareysteen dhalashada ama deganaanshaha dalkaasi iyadoo ay dowladu sheegtay in dadkani ay samaysteen baasabooro kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here