Dab Khasaaro Geystay oo Ka Kacay Guryo Ku Yaalla Berbera

0
1335

Berbera (Hargeisa Press) – Dab xoogan oo geystay khasaaro hantiyadeed, ayaa maanta ka kacay Guryo ku yaalla magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in dabkaasi markii hore ka kacay Guri yar, kadibna uu ku sii faafay Guryo kale oo ku dheganaa.

Dabka oo socday muddo ku dhow saacad, ayaa waxaa markii dambe goobta gaadhay gaadiidka ciidamadda Dab-demiska ee magaalada Berbera, iyagoona sameeyay dadaalo kala duwan oo lagu guuleystay in la demiyo dabkaas.

Sidoo kale, dabka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro hantiyadeed, islamarkaana waxaa uu baabi’iyay Guriyo dhowr ah oo aan la xaqiijin tiradooda.

Magaalooyinka Somaalilad, ayaa waxaa maalmihii dambe ku soo badanayay dababka kacaya, waxaana xusid mudan in habeeno kahor Guri ku yaalla magaaladda Hargeysa uu ka kacay dab xoogan oo saacado socday, iyada oo ay ku dhinteen laba caruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here