Joe Biden oo Si Adag U Difaacay Go’aankiisa Ah Inuu Ciidamada Mareykanka Ka Saaro Afghanistan

0
653

Washington (Hargeisa Press) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa si adag u difaacay go’aankiisa ah inuu ciidamada milateriga Mareykanka ka saaro Afghanistan, isagoo sheegay in dadka reer Afghanistan ay khasab ku tahay inay ka tashadaan mustaqbalkooda, isla markaana aanu jiil kale oo Mareykan ah u diri doonin dagaalka 20-ka sano socday.

Biden, oo Khamiistii ka hadlayay Aqalka Cad, ayaa sheegay in milateriga Afghanistan ay awood u leeyihiin in ay iska caabiyaan Taalibaan, isagoo beeniyay wararka sheegaya in sirdoonka Mareykanka ay saadaaliyeen burburka dowladda uu Mareykanku taageero ee Kabul lix bilood gudahood, iyada oo ay jirto digniinta dagaal sokeeye.

Waxa uu Madaxweyne Biden sheegay in maalinta ugu dambeysay ee joogista ciidmada Mareykanka ee Afghanistan ay tahay 31-ka bisha August ee sanadkan, marka laga reebo 650 askari oo ah ilaalada amaanka safaaradda Mareykanka ee Kabul.

Biden, wuxuu sheegay in Mareykanku wakhti hore uu ku guuleystay ujeedkiisii asalka ahaa ee duullaankii Afganistan ee sanadkii 2001, kaas oo ahaa in xididada loo siibo maleeshiyada Al-Qaacida, lagana hortago weerar kale oo Mareykanka lagu qaado, kuwaas oo la mid ah kuwii September.11, 2001.

Ninkii abaabulay weerarkaas oo ahaa Osama bin Laden, ayaa koox milateri oo Mareykan ah ku dileen dalka ay deriska yihiin ee Pakistan sanadkii 2011.

“Waan gaadhnay ujeeddooyinkaas, waana sababta aan u aadnay. Uma aadin Afghanistan in aan dhisno qaran. Waa xaq iyo mas’uuliyad saaran dadka reer Afghanistan inay kaligood go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda iyo sida ay doonayaan in ay dalkooda u maamulaan,” ayuu yidhi Madaxweyne Biden.

Sida laga soo xigtay ra’yi ururin ay sameysay hay’adda cilmi-badhista ee Ipsos, laga soo bilaabo bishii Abriil, aqlabiyadda dadka Mareykanka waxay taageereen go’aanka Biden ee ah in ciidamada laga saaro Afghanistan, laakiin kaliya 28% dadka qaangaadhka ah ayaa isku raacay in Mareykanku uu ku guuleystay himilooyinkiisa Afghanistan, halkan 43% ay sheegeen in ka bixitaanka Mareykanka ay hadda caawineyso Al Qaacida.

Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here