Imaaraadka oo Hirgeliyay Nidaam Fudud oo Lagu Iibsado Xoolaha Soomaalida

0
1344

Dubai (Hargeisa Press) – Imaaraadka Carabta, ayaa hirgeliyay nidaam fudud oo uu Soomaalida kaga iibsanayo xoolaha, xilli hadda la guda galay xilliga iibsiga xoolaha ka hor Ciidul Adxada oo ay inaga xigto waxka yar laba toddobaad.

Nidaamkan, ayaa ah in xoolaha lagu kala iibsado qaab Online ah, taasi oo sahashay in Imaaraadka Carabta la geeyay sanadkan xoolo tiro badan oo laga qaaday dhulka Soomaalida.

Sida uu daabacay Gulf News qiimaha “Wanka  yar oo dhan 12kg isla markaana ah Lix bilood jir waxaa la iibinayaa lacag u dhaxaysa 925 ilaa 980 Dirham oo u dhiganta ($251-$266).

Imaaraadka, ayaa dadka shacabka ah u fududaysay kawaano Online looga iibsan karo Xoolaha loogu talagalay Ciidul Adxa, dadka ayaa dalbanaya kadib waxaa loogu keenayaa Guryahooda.

Waxaa socdo diyaar garow loogu jiro Ciidda Carafo oo la filayo inay noqoto 20 July 2021, maadaama ay dadku gowracayaan xoolo waxaa loo diyaariyay goobo hoosstaga Dowladda Hoose ee Imaaraadka Carabta.

Suuqa Online-ka ah, ayaa waxaa lagu kala iibsanayaa Adhiga, Lo’da iyo Geella, waxaana xoolaha inta ugu badan laga keenay dhulka Soomaalida oo hodan ku ah xoolaha.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka, ayaa sheegay in qaabkan uu fududaynayo dalabaadka dadka iyo gudbinta Xoolaha, xafiisyo kala duwan ay shirkaduhu ka sameysteen xaafadaha Magaalooyinka waaweyn.

Dalka Sacuudi Carabiya, ayaa kamid ah wadamada xoolaha Soomaalida loo dhoofiyo, gaar ahaan wakhtiga Ciidul Adxada, waxaa dhowr jeer dib loo soo celiyay xoolo laga qaaday dhulka Soomaalida oo la geeyay Sacuudiga, waxaana sababta lagu sheegay in xoolahaas ay xanuunsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here