Daawo Muuqaal: Wasiirka Warfaafinta Oo Jawaab adag ka Bixiyey Farogalinta Puntland ee Xadka Somaliland

0
769
Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi saxardiid (Caddaani) oo sidoo kale ah afhayeenka Xukuumada Somaliland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu Warbaahinta u gudbiyey mowqifka Dawlada Somaliland ee ku aaddan nooca ay tahay iyo deegaanka ay ka dhacday farogelinta ay maamul goboleedka Puntland sameeyeen, waxaana hadalkii Wasiirka warfaafinta ka mid ahaa: ‘’Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka digaysaa Farogelinta qaawan ee cadaawadu ku dheehan tahay ee ay maamul Goboleedka Puntland oo ka tirsan dalka aanu jaarka nahay ee somaliya ay ka wadaan xuduudaha bari ee Somaliland, iyadoo Puntland bilowday deegaamayn ay ka samaysanayso Tuulada Buuro-Wadal oo ka tirsan gobolka Sool kana mid ah ciidda dhuleed ee JSL.’’

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka.

 

 

Wasiirka warfaafintu waxa kale oo uu caddeeyey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay difaaca xuduudaheeda,waxana uu yidhi: ’Somaliland waxa ay xaq u leedahay difaacidda ciideeda iyo xuduudaheeda duruuf kasta oo jirta, faraha kama laabanayso ilaalinta madaxbanaanideeda iyo jiritaanka dhuleed,sidaa darteed waxa ay ugu baaqaysaa Maamul Goboleedka Puntland ee Somaliya inuu ciidda Somaliland si degdeg ah ugala baxo ciidamada iyo dadka rayidka ah ee lagu soo daldalayo Tuulada Buuro-wadal, isla markaana ay dib u leqaan hankooda ku saabsan mulkiga bagcad ka tirsan dhulka Somaliland.’

 

Qaybta dambe ee Shir jaraa’idkiisa ayaa Md Caddaani waxa uu baaq iyo wargelin ku saabsan gardarada Puntland u diray beesha caalamka iyo Ururada caalamiga ah: ‘Jamhuuriyadda Somaliland oo ku caan baxday nabad ku wada noolaanshaha Dalalka gobolka,  waxay u caddaynaysaa Ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, jaamacatul-carab iyo urur Goboledka IGAD Gardarada qaawan ee ay Puntland Somalia ku soo qaaday JSL, waxana ay ku wargelinaysaa beesha caalamka in waxii dhibaato halkaa ka yimaadda ay qaadi doonaan maamul Goboleedka Puntland ee Dalkaasi Somaliya.’

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here