Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Si Balaadhana Loogu soo Dhaweeyay + SAWIRRO

0
954

Hargeysa, (HargeisaPress) —Musharaxa jagada madaxwyane ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid aqoonyaha Jamaal Cali Xuseen Oo safar In Muddo ah qaatay ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta kusoo guryo noqday magaalada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

 

Waxaana Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen kusoo dhaweeyey madaarka Cigaal Internation, masuuliyiin ka tirsan xisbiga ucid, odayaal, waxgarad iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid.

jam 8

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kusoo guryo noqdo dalkiisa hooyo, sidoo kalena waxaa uu ka hadlay xadhigii loo gaystay salaadiintii ay xukumadda Somaliland xidh xidhay ee la sheegay inay weerareen goobtii ay diiwangalintu ka socotay  waxaana uu yidhi.

jam so

“Horta salaadiintu waa qayb kamida halbowlayaasha dalka, xadhigoodana in lagu da dago may ahayn iyadoo fal danbiyeed gacanta kula jira ama dhib gaystay mooyaane, waana dad matalaya qayb shacabka kamida, xukuumaduna may ahayn inay xadhig kula dag dagto waanan ka xunahay falkaas lagula kacay salaadiinta”Sidaas ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

jam 3

Dhanka kalena aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu dhaliilo Xoogan usoo jeediyay xisbiyada Wadani Iyo Kulmiye isagoona ku eedeeyey inay olole cad ka bilaabeen gobolada galbeedka Somaliland intii ay ku sugnaayeen waxaana uu yidhi.

jam 6

“Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye waa laba xisbi oo xulufo ah maanta iyagaa dalka wada oo midna shigudoonkii baarlamaanka ayuu haystaa midna dawladii ayu haystaayoo hantidii umada ayaa la xaraashay, labada xisbiba xoolihii umadda ayay haystaan laakiin Ucid Xoolihii umaddana ma haysato. Siyaasiyiinta laba xisbiba  iyagoo aan wakhtigiii kaambaynka la gaadhin ayay olole cad ka bilaabeen gobolada dalka iyadoo xilli abaaro ah lagu jiro walibana kulmiye ayaa bilaabay ololahaas,ila iminkana komishanku talaabo kamay qaadin markaa waxaan leyahay olole cad ayuu ahaa”Sidaas ayuu Jamaal Cali Xuseen.

jam so 2

Sidoo kalena Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii qaraabadii asxaabtii iyo bulshada Somaliland ee ay ka baxeen 14 kii ruux ee ku dhintay shilkii baabuur ee jimcihii ka dhacay wadada u dhaxaysa Kalabaydh iyo Gabiley, wariye Cabdiqaadir Baay Iyo siyaasi Gadhyare oo  kuwada geeriyooday magaalada hargeysa waxaana uu alle uga baryay inuu alle u naxariisto qabrigana u waasiciyo Samir iyo imaana inaga siiyo.

jam 4

Gabagabadiina aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu kulamo kula qaatay hotel Sammur Time  ee magaalada hargeysa xubno ka tirsan xisbiga ucid, taagerayaal,  iyo dhaliyaro iyagu goobtaasi diyaar kusii ahaa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here