Daawo Muuqaal: Khudbadihii Xilwareejinta AgasimahaTV-ga Qaranka

0
884
Hargeysa, (HargeisaPress) — Mas’uuliyiinta Wasaaradda warfaafinta iyo shaqaalae weynaha wasaaradaasi ayaa si wadajir ah uga qayb galay Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen maareeyihii hore ee TV-ga qaranka iyo Maareeyaha cusub ee dhowaan madaxweynuhu soo magacaabay.
Munaasabada oo ka dhacday xarunta wasaaradaasi waxaa kaloo ka soo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dawlada, Hogaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja  iyo marti sharaf kala duwan oo uu ka mid ahaa ninka ugu dheer dunida Md Cabdi Bisad, waxaana hadal kooban oo ku saabsanaa faa’iidada ku jirta in dadka wada shaqayntu ka dhexaysaa ay noqdaan team isku xidhan ka jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Md Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase

Marwo Shulri Xariir Ismaaciil Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta oo munaasabadaasi ka hadashay waxay sharaxday kaalinta ay shaqaalaha wasaaraddu kaga jiraan difaaca iyo horumarinta guud ee qaranka JSL, waxaana hadaladeedii ka mida ahaa.
1937483_10206160030913606_3128100148057268941_n
Maareeyahii hore ee TV-ga qaranka ahna la taliyaha madaxweynaha ee arimaha saxaafadda  Md Khadar xasan cali gaas oo si rasmi ah xuilkii ugu wareejiyey maareeyaha cusub ayaa tilmaamay qaar ka mid ah waxyaabihii u qabsoomay mudadaii uu xilkaa hayey, waxana uu ugu baaqay shaqaalaweynaha inay halkaa ka sii wadaan dadaalkooda shaqo ee ay la dhinac taagnaayeen intii uu xafiiska joogay,
maxresdefault
Maareeyaha cusub Md  Cabdi Cali Mahdi oo munasabadaasi ka hadlay waxa uu soo bandhigay qorshayaasha uu damacsan yahay inuu kaga hawlgalo mas’uuliyadda cusub ee loo xilsaaray,Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ee JSL Md cabdilaahi maxamed Daahir Cukuse oo gunaanadkii munaasabadaasi ka hadlay waxa uu sawir cad ka bixiyey muuqaalka wasaaradda warfaafinta, ujeedada ay u xilsaaran tahay iyo qiimaha ay ugu fadhido bulshada iyo qarankaba.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here