Cugashada Guracan & Sooyaalkii Seed: Qaybtii 10 Aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
791

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

 

  1. Fashilkii shirka:

Shirkii dhawaan lagu afmeeray Hotel Ambassador ee caasimadda Hargeisa wuxuu ahaa tijaabadii koowaad ee shacabka Somaliland ka qaaday xisbiga Waddani. Waxay ahayd arrin in badan loo dhag taagaayay qabsoomideeda iyo hanaanka hirgalidiisa. Hadaba tijaabadii koowaad ee xisbiga waddani laga qaaday ayuu ku fashilay marka laga eego dhinacyo badan oo muhiim ah sidda:

 

Qaloocintii shirka:  Run ahaantii sidda loo agaasimay shir waynihii golaha dhexe ee xisbiga waddani, waxay aad ugu muuqataa in uu ahaa mid afduuban oo ay saamayn wayn ku lahaayeen shaqsiyaadka awooda badan ee xagga danbe ka hagga talada iyo siyaasadda xisbiga Waddani, gaar ahaan:

 

  • Musdanbeedka reeraysan.
  • Horboodayaasha lagu naanayso wiilasha idman.
  • Kooxdii Xirsi Boodo-Dheere ee dhawaan xisbigaasi ku biiray.

Tani waxaa tusaale u ah sheegmada madaxdii xisbiga kala soo dabaalatay ururnimadii ee u suurto galisay in uu noqdo xisbi siyaasadeed qaran.

 

Madaxdan waxa ka mid ah Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ahayd guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Waddani, isla markaana ka mid ahayd dadkii dhabarka iyo xanjaadka  kaga jabay dhismaha xisbiga Waddani iyo masuuliyiin la socday  ayaa durbadiiba saluugay:

  • Hanaanka qabanqaabadda shirka.
  • Nidaamka saami qaybsiga xubnaha golaha dhexe.
  • Qaab-dhismeed sharci daro ah guddoomiye Cirro ku hoggaamiyay xisbiga.
  • Farogalinta musdanbeedka awoodda badan.
  • Soo dhawaynta casabada iyo u sad-burinta saamiga siyaasadda.
  • iyo tixgalinta madhan ee lagu horay dad aan dedaal badan galin xisbiga.

Madaxda aadka ugu samirtay jalaafada siyaasadda casabada iyo cashiirada ku dhisan ee xisbiga Waddani. Islamarkaana iyagoo arkaya oo ujeeda  dhaqankan casabeysan iyo hab siyaasadeedkan xigtaysiga ku salaysan ee xabaal ku ridka ku ah mujaahidiintii shalay xisbiga la soo halgamay ee ka qayb galay shir waynihii xaaraanta ahaa ee soo afjaray hankii hoggaminta, himiladii xisbinimo iyo rajadii shacabka halganka.  waxaa ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani oo hadda ah Guddoomiyaha Garabka Toosinta & caddaaladda Xisbiga Waddani, mudane Ahmed M. Seed, oo la wadda ogsoon nahay sidii qaraabo-kiilka iyo caddaalad darada ahayd ee looga gacan bidixeeyay, wixii uu xaqa & xuquuqda u lahaa, oo ay ahayd in kooto loogu xidho kursigiisa, si la siman oo u dhiganta kootada Abdirahmaan Cirro.

 

Hadaba, in Mujaahid Ahmed M. Seed, lexojeclo badan ka qabay xisbiga Waddani, waxa muujinaya ogolaanshaha in lagula tartamo  kursiga ku xigeenka musharaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani uga qayb gali doona doorashada loo Qoondeeyay dhicisteeda horraanta 2017-ka. Maxaa yeelay, wuxuu xaq u lahaa nin kooto loogu xidho kursiga madaxwayne ku xigeenka, maaddaama oo kursiga musharaxa madaxwaynaha kooto looga dhigay Abdirahmaan Cirro.

 

Gafkii Shirka: Geeddi socodka qariban ee shirka ayaa banaanka soo dhigay han yarida & caddaalad darada ku duugan hanaanka guud ee shirwaynihii golaha dhexe ee xisbiga Waddani. Runtii waxa la yaab ah sidii aad ka u foosha xumayd  ee loo maamulay qodobadan soo socda:

  • Kordhintii tirada golaha dhexe ee xisbiga Waddani.
  • Qaybintii kaadhka bartiqaadka oo musuq hadheeyay.
  • Qaybin waraaqo taageerro, xayaysiis & olole u ahaa musharax gooniya
  • Maamuus xumadii nidaamka yeedhinta magacyadda musharaxiintii ku loolamayay kursiga ku xigeenka & hanaankii codbixinta.

Dhacdooyinkan ayaa dhammaantood muujiyay masuuliyad darada xisbiga iyo sidda aan marna loogu aamini karin qabashada talo qaran. Sidoo kale  waxaa shirka lagu ansixiyay qodobo badan oo si cad uga horjeeda dastuurka qaranka iyo xeerarka laga dheegay, waxaana ka mid ah jago xileed-yada lagu sheegay hoggaamiyaha  iyo ku simaha guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Hadaba, aan sii lafo-guro labadan qodob eh, marka hore hoggaamiye xisbi waa jago jirta oo dunida laga yaqaan, oo kaalin wayn ku leh hanaanka asxaabta dimuqraadiga ah. Wuxu ka jira dalalka nidaamka dawladnimo ee baarlamaanka ah qaata sidda Uk. Kolkaa waxa is waydiin leh, Maxaa sharci daro ka dhigay dalkeenna?. Waxa sharci daro ka dhigay dastuurka qaranka JSL iyo xeerarka laga dheegay sidda xeer Lr. 14 oo aan jidayn nidaamkan. Waayo waxaynu qaadanay nidaam dawladeedka madaxwaynenimada, sidaa darteed qaabdhismeedka asxaabta qarankuna waa in ay waafaqaan nidaamka cusub. Haddii kale waa in dastuurka wax laga bedelo oo dalku yeesho/qaato nidaamka dawladnimada baarlamaanka. Deetana hoggaamiyaha xisbiga tirada ugu badan ee kuraasta baarlamaanka ku guulaysta ayaa noqonaya raysal wasaarada dalka.

 

Kala Jabkii Xisbiga: Ka dib markii uu fashil ku dhamaaday shir waynihii koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga waddani, waxa samaysmay Garabka Toosinta & Caddaaladda Xisbiga Waddani oo uu guddoomiye ka noqday Ahmed M. Seed.  Tani oo xisbigii awoodda badnaa u kala jabisay labo qaybood oo kala ah Garabka Toosinta & Caddaaladda Xisbiga Waddani oo uu hoggaamiyo Ahmed M. Seed iyo garab uu hoggaamiyo guddoomiye Abdirahman Cirro oo ay Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ah afhayeenka Garabka Toosinta & Caddaaladda Xisbiga Waddani ay ugu yeedhay Garabka Qaloocinta & Sharci Jabinta Xisbiga Waddani ee uu hoggaamiyo Abdirahman Cirro.

 

Arrintan ayaa guuldaro wayn ku ah siyaasadda iyo hoggaaminta mudane Cirro oo caan ku ah curinta khilaafyada siyaasadda ee asxaabta iyo shirgudoonka golaha wakillada Jamhuuriyadda Somaliland. Waana geeddi bilaw u ah Burbur iyo guuldarro siyaasadeed ku soo fool yeesha xisbiga Waddani.

 

  1. Ergadii Digashada:

Hubaashii, maalin ka dib dhammaadkii shirkii fashilay ee xisbiga Waddani, waxaa dadka siyaasadda indho-indheeya la yaab ku noqotay, il-adeyga Guddoomiyaha Waddani iyo qorshe la’aanta musdanbeedka reeraysan ee ku saabsan fulinta casabada siyaasadeed iyo cugashada guracan oo ergo ladqabayn ah diray, toloow ilow dhawaa ma umul baa?. Runtii mar qudha ayaa laga war helay ergo balaadhan oo uu hoggaaminayo hoggaamiyaha cusub ee Waddani Xirsi Cali X. Xasan oo ku cidlaystay barxada wayn ee Hotel Maansoor Hargeisa, ka dib markii Muumin Seed ka diiday in uu la kulmo. Hase yeeshe waxa fajac & ammakaag ku noqotay ku dhawaaqidii Garabka Toosinta & Caddaaladda Xisbiga Waddani oo uu guddoomiye  Ahmed M. Seed.

 

Ka sii darane, maalmo yar ka dib ayuu guddoomiye Cirro  magacaabay guddi uu ugu yeedhay gudiga wadda xaajoodka la galaysa Axmed M. Seed & Xildhibaan Faarax. Isaga oo si cad u quudhsaday xubnaha kale ee xisbiga ka maqan oo ka mid  ahaa mujaahidiintii xiliga adag xisbiga la soo dabaashay . Balse maanta aad looga fogeeyay dheefsiga gaaxda siyaasadda iyo karuurka caanaha hasha maandeeq ee ay qadoodiga u soo mareen sannadaha badan. Kooxdan waxaa mar labaad horjooge looga dhigay hoggaamiye  Xirsi, waxaana digreeto ku magacaabay Guddoomiye Cirro. Si ay u sii waddaan soo ladqabaynta labada masuul, balse waxba may soo kordhin oo waxay xaska bahal galeenka ah galiyay shuruudihii adkaa ee Garabka Toosinta & Caddaaladda Xisbiga Waddani soo hor dhigay.

 

Kuwaasi oo ahaa in marka hore laga noqdo wixii ka soo baxay shirkii fashilay oo dib loogu noqdo doorashada musharaxiinta, islamarkaana tirada golaha dhexe lagu daayo tiradda sharciga ah “ 451 kursi”. Waa haddii la rabo bay yidhaahdeen in wadda hadal u furmo iyaga Garabka Toosinta & Caddaaladda Xisbiga Waddani”  iyo garabka Waddaniga  Cirro hoggaamiyo oo ay u yaqaanaan   Garabka Qaloocinta & Sharci Jabinta Xisbiga Waddani. …. La soco qaybo kale oo muhiim ah hadii allaah idmo.

 

By: Jamal A. Muse                                                                                                                                     
dankaabo@hotmail.co.uk/ jamalabdiya@gmail.com /hirdandheer@gmail.com
Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here