Socdaalkii Galbeed ilaa Bari – Gobolka Salal (Qore Ahmed Maax Hassan)

0
978

Socdaalkii sanad laha ee Lix gobol oo Somaliland waxan ka bilaabay G. Salal horaantii Sept 2016.
G. Salal oo Woqooyo galbeedka S/L ku yaal soohdinta Djabouti iyo Somaliland.

G.Salal waa dhul xeebeed intiisa badani, oo leh xeeb dheer.cimilada kulul iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi oo aad u yar ayaa sobobay in dadku ku yaryahay waliba wakhtiga xagaaga oo kor loo baxo.

Xoola dhaqato teelteel ah una badan buuralayda waxay dhaqdaan adhi iyo geel marna soo qulula marna kor u hayaama. Geela oo adkaysi badan ayaad ku maraysaa meel kasta ilaa bada xeeligeeda.

Duurjoogta aad aalaaba ku arkayso waa Gorayda iyo Cawsha oo banka ku badan wakhtiga barwaaqada.
Dhirta ku badan xeebta I waa Xuduuda iyo Kulan.

Kulanku waa geed ka mida dhirta saliida laga miiran karo, mudhihiisana waa la cunaa.

Waxa laga gudbaa bankii caanka ahaa ee GIRIYAAD. Murti badana lagu halqabsaday – Giriyaad ooman gabal ma kuugu dhacay/Sidii geed ku yaa bankii Giriyaad goonidu waa…..etc etc.
Marka aad xeebta ka baxdo waxaad fuulaysaa buuralayda gudban ee Golis.

Gobolka Salal waxa ku xeeran duruufo qalafsan oo ragaadiyay koboc dhaqaale iyo dagaanba.

Kulaylka xeebta darteed ayaa dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadka qaado iyo xamuulkuba waxay gobolka dhex maraan wakhti habeena.

Waa sobota ugu wayn ee G. Salal guud ahaan uga faa’iidi waayay safarada is daba jooga ah ee dhex mara.
waxa kale ee Salal jaar la tahay Djibouti oo shiiqisay in ay ka horumarto dhinaca ganacsiga.

Lowyacado.

Magaalada Lawyocado oo saaran soohdinta ayaa aad u camiran wakhtiyada xagaaga ee xulaylka Djibouti laga soo baxayo iyo noqoshada.

ma

Dakhliga dawlada ee dal-ku-galka (Visa) ayaa cirka isku shareera bilaha May – September. Makhaayadaha iyo tukaamada yaryar iyaguna xagaaga ayay shidmaan.

Dadka safrayaa labada jeerba kuma raagaan magaalada . soo galida galinka danbe fiidka horeba waa laga jarmaadaa halka soo noqonka subax horeba loga gudbo dhanka Djibouti.

joogida aadka u kooban ee dadka safarka ku jiraa ayaa keenay in aan magaaladu saacado badan camirayn.
Tan iyo intii qaraxii argagixisada ee hotelkii Djibouti, waxa la joojiyay baabuurtii ka soo galaysay dhinaca S/L.
Joogitaanka Dirawalada iyo qaadid layuba waxay kordhiyeen dhamaan ganacsigii lawyocado taas oo ay imiga dib u shidantay.

kama suurta galin dhismaha dhagax oo badani meherad iyo guryo la galaba. Sobobta oo ah xuduuda ay ku taal iyo adeegsigeeda oo wakhti kooban ah.

Zaylac(Avilates)

Magaalada Taariikhda faca dheer Zaylac. magaalo-madaxda gobolka waa go ‘ doon waayo ma maraan baabuurta ay adeegsadaan dadwaynuhu.

Maamulka gobolka iyo customs ayaa dagan iyo kaluumaysato. waa magaalo aan haba yaraatee waxba ku biirin tan iyo intii ay xadaaradihii ka jiraa burburtay.

Dakada qadiimiga ahayd ee zaylac oo iyana aasantay uma soo kordhiso adeegyo bada oo tayo leh.
Raadkii faca waynaa eey quruumo kala duwani soo mareen wixii ka hadhay oo noqday wax aasmay iyo waxa la furfuray wakhtigii dawladii somaliya oo wadada iyo guryo lagu dhisay.

Maanta waxay u baahan tahay i la badbaadiyo waxa ka sii muuqda.Zaylac waxa ku oo wax ka sii nool yihiin Masaajid 2 qiblo leh, kaas oo muujinaya in diinta soo gaadhay wakhtigii Masaajidka Al-Aqsaa loo tukanayay.

Qoraagii dalmareenka iyo taariikhyahanka ahaa Ibnu Batuta ayaa soo maray 1330 waxa uu ku sifeeyay magaalo suuqyo iyo dariiqyo dhaadheer oo wada iftiimaysa. ganacsato kala duwan ku nooshahay oo camiran. Geela farah badan lagu qalo dhiigiisa ka arkayso duleedkeeda. Kaluunkana aad loogu cuno.
Waa magaaladii Ciyaaraha quruxda badan ee sayliciga iyo sheekooyinkii jacaylka Muliyo ee ku lifaaqnaa.
Raadkii Balwada (Heeso) aabihii balwada Abdi Sinmo dirawlkii jidka  Borama -Zaylac .

Tokhoshi

waa magaalo taariikh dheer oo ka barbar shidnaan jirtay zaylac. Biyaha la cabo siisaa Zaylac ilaa wakhtigii ay xadaarada calanka u siday.  waxa ay caan ku tahay ilaa imiga soo saarida Milixda. Milixda Tokhoshi waa mid aad u cad oo nadiif ah geeska afrikana laga amaano.

Wax soo saarka Milixda oo wali loo adeega hab kii qadiimiga ahaa hadii la maalgaliyo waxay gaadhi heer la dhoofayo dalkuna kaga maarmo mid dibadeed.

Lughaya.

waa magaalo leh dakada kooban kuna soo xidhan karaan doonyo yaryari.
Magaalada Lughaya way la wadaagtay kuwa kale dhaqdhaqaaq la’aanta.
Waxa aan ku soo arkay mashruuc qsboohinta iyo dhoofinta kaluunka oo ganacsadayaal Somalilander maal galiyee. waxay ku dhoofayaa Boorama iyo Djibouti.

Magaalooyinka kale sida Caasha cado, Ceelgaal, Geerida, Jidhi, Cabdi Geedi fhamaantood way ka sii liitaan kuwa bada saaran.
G. Salal intiisa badan roobku wuu ku yaryahay, inkastoo dooxyo badan oo soo maydhay ciid nafaqo lihi ku shubmaan bada.
Dooxyadaa qaarkood waxa laga tabcadaa beero ku caano xabxabka.
G. Salal waa gobol ku hodana Khayraadka bada oo hadii aqoon/qalab casriya iyo maal galin lagu sameeyo kor u soo qaadi kara dhaqaalaha iyo shaqo abuur.
Inkastoo gobolka leeyahay saliid (petrol) ma ah khayrad wakhtiga dhaw la manfacsan karo.

G.Salal waxa uu leeyahay xeeb dheer oo ku haboon dalxiiska. Hadii la waayay Ganacsade u badheedha horumarka Salal, meeday Dawladii dhexe diyaarin lahay barnaamij ku wajahan hor omar inta Kaluu maysid a iyo dalxiiska xeebaha G. Salal.

Gunaanadkii Guurmarka Gobolka Salal. Marka aad aragto Fooqyo dhaadheer oo quruurada ah ee is daba taxan,  Hotel & Resturants casriyo ee Magaalooyinka kale gobolada Somaliland eed joogto G. Salal waxaad is odhanaysaa gobolkan  qatani miyaanu ‘Laantaba ka mid ahayn.

waxaa ugu baaqayaa Qurba joogta iyo inta wadanka joogta aqoonyahan iyo Ganacsadeba ee Gobolada Salal, Awdal iyo Gabiley inay u guntadaan horumarka G. Salal.

Si gaara ugu baaqayaa Jahliyada Gobolka Salah ee ku dhaqanka Djibouti.

warbixinta tan ku xigta ee G.Salal waxaan ku eegi doonaa hadii alla yidhaa wax soo saarka Kaluunka inta uu gaadhsiisan yahay iyo ganacsatada ka shaqaynayaa.

Muwaadin maaha maalinta Doorashooyinka uun in lagu xooma ama la isku qabsado dagaamo aan habeen loo hoyanayn. Gobolka dad buu u baahan yahay u dhabar adayga.

Allaa Mahad iska leh.

Somaliland Ha Noolaato.

Ahmed Maax Hassan
Maritime & Logistic Expert
amaaxh@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here