Coronavirus Oo Soo Gaadhay Dalkii Saddexaad Ee Xuduud La Leh Somaliland

0
461

Djibouti, (HargeisaPress) – Dawladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in Qofkii koowaad ee dalkeeda ku sugan laga helay Caabuqa Coronavirus.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka wuxuu ku sheegay in Qofkii koowaad ee ku sugan gudaha Jabuuti laga helay Coronavirus.

Wasiirku wuxuu sheegay in Qofka laga helay Caabuqa Coronavirus uu yahay Muwaadin u dhashay Dalka Spain, kaasi oo Sabtidii Toddobaadkan yimid Dalka Jabuuti.

Maxamuud Cali Yuusuf waxa kale oo uu sheegay in Xaaladda Caafimaad ee Qofka laga helay Caabuqa Coronavirus lala tacaalayo.

Waa Dalkii saddexaad ee Xuduud la leh Somaliland ee laga helo Caabuqa Coronavirus. Waxa hore Xanuunka loogu sheegay Dalalka Itoobiya, Soomaaliya, Maantana waxa lagu sheegay Dalka Jabuuti.

Guud ahaan Dalalka bariga Afrika ee Caabuqa laga helay ayaa ah Afar, kuwaasi oo kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here