Ciidankii New Police-ka Oo Mar Kale Dad Ku Laayay Deegaanka Xaashi Cagoole Oo Kuunfur Hawd Ka Xigta Degmada Gaashaamo Iyo Dagaal La Sheegay Inuu Wali Ka Socdo Deegankaas

0
1012
News

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar hada na soo gadhaya ayaa sheegay in ciidmadii New Police-ka ahaa ee shalay xasuuqa arxan darada ah ka gaystay deeganka Jaamac Dubad ay hadana mar kale dad ku laayeen deegaanka xaashi Cagoole oo dhanka koonfur hawd kaga beegan degmada gaashaamo.

 

Dadkan ay laayeen ciidamadu ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 13 qof,iyada oo sidoo kalena tiro kale oo dad ahi dhawac yihiin.

 

Sidoo kalena waxay wararku intaa ku darayaan in dadwaynaha deegaankaasi ay iska cabin kala horyimaadeen cidamadii dawlada itoobiya ee xasuuqa ka gaystay deegaanka Jaamac Dubad waxaana halkaasi ka dhashay dagaal.

 

Wararka ayaa sheegaya inay jiraaan dhimasho iyo dhaawac dhanka ciidamada ah waxaana wali deegaankaasi ka socda sida naloo sheegay dagaal u dhaxeeya dadwaynaha magaalada Xaashi Cagoole iyo hawdka ku teedsan koonfurta Gaashaamo iyo ciidamada News Police-ka.

 

Ciidamadan News-Policeka ee dalwada itoobiya ayaa la shegay inay wadeen qorshe ay ku xasuuqaan dadwaynaha deegaanka Xaashi Cagoole balse dadwaynaha degaanka oo gadoodsan aya iyaguna iska caabiyey waxaan halkaas ka dhashay dagaal khasaare sababay.

 

 

Waxii warara soo kordha kala soco shabakada wararka HargeisaPress

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here