Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Puntland oo Gadood Sameeyay

0
990
Garoowe (Hargeisa Press)- Ciidanka Daraawiishta ee maamul goboleedka Puntland ee gobolka Bari, ayaa maanta sameeyay gadood, iyagoo ka cabanayay mushaar la’aan kana cadhaysanaa hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha maamulka Puntland.
Ciidamadan gadoodsan ayaa waxay hakad galiyeen isku socodka gaadiidka isaga kala goosha gobolada Puntland ee laamiga ku teedsan, waxayna dalbanayeen inay helaan mushahar ay sheegeen inuu maqan yahay dhowr bilood.

Gadoodka Ciidankan ayaa ka danbeeyay kadib markii uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdilaahi Deni oo ka qeyb galay xuska 76 guurada aas aaskii ciiddanka Booliiska Soomaaliya, uu sheegay in maamulkiisu uu bil walba mushaharka siiyo ciiddamadiisa.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa tiro dhowr jeer ah sameeyay gadood, waxaana ugu badnaa xilligii Madaxweyne Gaas talada hayay, laakiin marnaba ciidamadu ma ayna  qaadin tilaabo dhaafsiisan gadood.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo xukunka haya muddo ku dhow hal sano, ayaa hadda ku mashquulsan in la saxo qaladaadka ciidamada ka dhex jira, gaar ahaan tiro-koob la’aanta oo ah mushkilada ugu weyn ee hortaala.

Hargeisa Press Desk/Garoowe Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here