Madaxweyne Farmaajo oo Daah-furay Qorshaha 9-aad Ee Horumarinta Qaranka (SAWIRRO)

0
833

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka, oo la sheegay inuu saldhig u yahay geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay tiirarka afarta ah ee uu ku saleysan yahay qorshaha Qaran oo kala ah amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliya oo wadajir ah ay maanta awood buuxda u leeyihiin ka midho-dhalinta hiigsiyadooda Qaran.

“Waxaa bogaadin mudan in aan soo bandhigno qorshe horumarineed oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed oo saldhig u ah Qorshaha Qaranka ee Shanta sano ee soo socota. Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna.”

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Qorshahan Qaran uu caalamka u muujinayo sida shacabka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, Dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah; yareynta saboolnimada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’addaha dowliga ah, hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, xoojinta sharciga, garsoorka iyo xaqiijinta amniga dalka.

Munaasibaddan waxaa ka soo qeyb galay Raiisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Maareeyayaasha Wakaaladaha Qaranka, Aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here