Ciidamada Nabad Galiyada Wadooyinka Somaliland Oo Hawl Gallo Culus Ka Bilaabay Gudaha Magaalada Hargeysa + Dad Iyo Gaadiid Tiro Badan Oo Ay Qabteen iyi Sababta Keentay

0
1317
Ciidamada nabad galiyada wadooyinka Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) — Ciidamada nabad galiyada wadooyinka Somaliland ee Taraafikada ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey waxay hawl gallo culus ka bilaabeen gudaha magaalada Hargeysa.

Ciidamadan ayaa lasoo dhoobay wadooyinka waa wayn ee magaalada Hargeysa iyaga oo darawaliinta gaadiidka wada waydiinaya sharcigii waddo marista (Liisanka) iyo buuga gaadhiga,waxaana darawalka aan wadan liisanka waddo marista ay ciidankani isaga iyo gaadhigiisaba u taxaabayaan saldhiga magaalada Hargeysa,waxaana ciidamadani ay labadii cisho ee u danbeeyey xabsiga u taxaabeen darawaliin tiro badan oo sifo sharci darro ah ku waday gaadiidka,iyada oo dhawaana ay maxkamadda degmada Hargeysa xukuntaty qaar kamida darawaliinta gaadiidka kala duwan wada oo aan sidan liisanka waddo marista.

Waxaana ciidamadan ag-jooga gaadiidka kala duwan ee ciidanka booliska iyaga oo gaadhigii isku  daya inuu baxsadana soo qabanaya.

Hawl galladan ay ciidamadu bilaabeen ayaa daba socda hawlgalo hore oo ay ciidanku ka bilaabeen jidadka waa wayn ee isku xidha magaalooyinka Somaliland, kadib markii uu batay shilalka baabuurta iyaga oo gaysanaya khasaare naf iyo maalba leh.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here