Cali Gurey: Anigu Soo Dhawaynta Qaarkeed Waxaan U Arkaa Guulwadayn iyo Ku Dayasho Xiligii Siyaad Bare Ee Hantiwadaaga Cilmiga Ku Dhisan

0
2972

Hargeisa (Hargeisa Press)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa si adag uga hadley dadweynihii tirada badnaa ee shalay weftigii Madaxweynaha Somaliland soo dhaweeyay, xili uu jiro xanuunka Coronavirus.

Cali Gurey ayaa sheegay in xukuumaddu ay iyadu hore u amartay “kala durugga bulshada” hadana ay shalay ka shaqaynaysay “isku soo durkinta bulshada”.

Siyaasi Cali Gurey ayaa arintaasi ku tilmaamay in uu u arko ka badbadin iyo guulwadayn iyo ku dayasho xiligii Siyaad Barre iyo hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan.

Cali Gurey ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay boga uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbook, waxaanu u dhignaa sidan:-

“GUULWADE WUXU JEBIYAA KA UU U GUULWADAYNAYO EE RUMAYSTA

Hadii laba kooxood ay kubad ciyaarayaan kooxda aad taageeraysaa hadii haaftaynka horeba ay gool dhaliso kubbadii miyay badisay kooxdaadi mise ciyaari waa gelin dambe? Anigu ilaa ciyaartu ay dhamaanayso guul tirsan maayo kooxdaydana waxan ku guubaabinayaa maaha waa guulaysteen ee waa “hadaanan halkaa ka haya, ha isdhiganina, ciyaari waa gelin dambe”. Islaan baa odaygeedii oo agteeda salaad ku tukanayay intuu sahwiyay sarajooga ku akhriyay Atixiyaadkii. Wadaadiisii oo dhegta ka maqlaysay ayaa is-hayn wayday oo tidhi “waa la hoogay oo maxaa lala fadhiisan!”.

Wixii shalay Hargeysa ka dhacay waxan u arkayay ka badbadin. Xukuumaddu iyada ayaa amartay “ kala durugga bulshada” hadana ilaa daraad waxa laga shaqaynayay wuxu ahaa “isku soo durkinta bulshada ” calashaan dabaaldeg iyo soo dhawaynta waftiigii Madaxwaynaha. Xafladdii arooskana baabuuro bilays ah ayaa ka dul degtay oo qasab ku kala dirtay iyagoo weliba ilaalinayay aan ku xadgudbin go’aankii xukuumadda ee kala durugga bulshada.

Anigu soo dhawaynta qaarkeed oo ka badbadin iyo istus uun ah waxan u aqaan bal amarka Ilaahay guulwadayn iyo ku dayasho xiligii Siyaad Barre iyo hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan oo ma jecli, Madaxwaynahana lama jecli in uu aqbalo. Waayo guulwadayaal hore ayay inoo soo mareen oo waynu naqaan muraadkooda yar iyo qiiradooda bilaashka iyo dumuuca tamaasiixda ah. Guulwadayaal xiligii Siyaad Barre ayaa lagu bartay waxay jebiyaan keliya xukuumadda iyo Madaxwaynaha ay u guulwadaynayaan ee cid kale waxba ma yeelaan cidhibtood go’day”. Ayuu yidhi Siyaasi Cali Gurey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here