Dibad-baxyo Rabshado Wata oo Ka Socda Magaalada Boosaaso

0
1156

Boosaaso (Hargeisa Press)- Waxaa magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ka socda dibad-baxyo balaadhan.

Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa isugu soo baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyaga oo dhigaya dibad-bax cabasho ah.

Banaan-baxa oo ah mid ballaadhan ayaa waxaa lagaga soo horjeedaa, hanaanka ay maamul goboleedka Puntland u qeybisay afarta waax ee ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Dibax-baxayaasha oo ku qeylinaya erayo ay ku muujinayaan dareenkooda ayaa taayiro ku gubaya waddooyinka waa weyn ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, mudaharaadkan oo hore loo sii qorsheeyey inuu maanta oo Jimce ah dhaco ayaa saameeyey isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee maamulka Puntland oo loogu talagalay inay ka hortagaan banaan-baxaasi, balse ay ku guul darreysteen.

Maamul goboleedka Puntland ayaa hore u sheegtay in aanay aqbali doonin dibad-bax ka dhaca gudaha Boosaaso, iyadoo guddomiyaha gobolka Bari uu shaaciyey in dadka abaabulaya ay la mid ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here