Xukuumada Somaliland oo Xalisay Colaad U Dhaxeysay Beelo Wada Dega Buuhoodle

0
1676
Magaalada Buuhoodle
Magaalada Buuhoodle

Buuhoodle (Hargeisa Press)— Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay ku guuleystay xalinta iyo soo afjarista colaad mudo ka dhex oogneyd laba beelood oo wada dega magaalada Buuhoodle.

Wasiirka howlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Xaaji Ducaale (Qambi) oo u waramay Idaacada VOA ayaa sheegay in ay soo afjareen colaada labada beelood u dhaxaysay.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in labada beelood la kala dhex dhigay ciidamo milateri ah oo ka tirsan Somaliland.

Wasiir Qambi oo faahfaahin ka bixiyay qaabkii ay u soo afjareen colaadaasi mudada dheer dhex taalay labada beelood, ayaa sheegay inay ka hortageen in colaada labada beelood ay sii balaadhato kuna sii fido deegaanada u dhow.

Wasiirka hawlaha Guud ee Somaliland ayaa ka mid ahaa masuuliyiin dhinaca xukuumadda Somaliland ka socda oo deegaanka Horufadhi u joogay nabadaynta labadaasi beelood oo dhawaan shaqaaqo dhexmartay.

Colaad labadaasi beelood oo soo noq noqotay ayaa sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaadhay labada beelood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here