Burco: Qoys Maalgelinaya Dhismaha Laba Biriij

0
663

Burco (HP): Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa maanta dhagax-dhigay laba Biriij oo cusub oo  laga  hirgelinayo xaafado ka tirsan Burco.

Lacagta lagu dhisayo labadan Biriij ayaa la sheegay in ay bixiyeen oo ay ku deeqeen qoyska ila Xaaji Cabdi Ducaale.

Waxaana maayarka ku wehelinayay dhagax-dhigaasi xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Burco, iyo xubno ka socday qoyska bixinaya lacagta lagu dhisayo labadan Buundo.

Goobtii dhagax-dhiga labadan Buundo waxaa hadallo ka jeediyay maayarka Burco iyo sidoo kale xubno ka socday qoyska maalgelinaya dhismaha Biriijyadani.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here