Bulshada Caasimada Hargeysa Oo Saaka U Dareeray Tukashada Salaada Ciidal Adxa Iyo Madaxwaynaha Somaliland Oo La Tukaday Shacabka Hargeysa

0
995

Hargeysa, (HargeisaPress) —Iyada oo saaka dhamaan dunida islaamka ah laga tukaday salaada ciidal adxa-da ayaa shacabka ku dhaqan magaalada hargeysa ee caasimada dalka somaliland ay u dareereen soo oogida salaada ciidal adxa-da.

 

Waxaana bulshadan oo dhamaan iskugusoo wada baxay fagaarayaasha lagu tukado salaadaha ciidaha ayaa madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu shacabka magaalada hargeysa kala qayb galay oogida salaaada isagana oona ku tukaday masjidu jaamaca magaalada hargeysa.sidoo kalena masuuliyiin  ka socday dawlada somaliland ayaa iyagu bulshada caasimada hargeysa kala qayb galay tukashada salaada goobihii fagarayasha ahaa ee ay ku tukanayeen.

kjh

Waxaana xusid mudan in aad loo adkeeyey amaanka caasimada hargeysa iyada oona jidadka waa wayn lagu soo daadiyay ciidamo tiro badan oo sugayay amaanka isla markaana ay ka go’nayd in nabad gaiiyo ah loo tukado salaada.

kjjj]

Bulshadan oo iskugu jirey,waayeel dhalinyaro,haween iyo caruur ayaa waxa wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo rayn rayn iyagana oo marka ay iska soo hor baxaan isku salaamayay ereyo ay kamid yihiin CIID MUBARAK IYO MACAL CIIDAYN.

ciida

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here