Blatter oo Markii Shanaad loo doortay Madaxweynaha Xidhiidhka FIFA + SAWIRRO

0
1468
Sepp Blatter celebrates after his re-election as Fifa president. Photograph: Michael Buholzer/AFP/Getty Images

ZURICH — Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa maanta markii 5-aad u doortay Hoggaamiyaha FIFA, Joseph Sepp Blatter, iyadoo dib u doorashada Blatter ay kusoo aadayso  xilli Xidhiidhka ay lasoo gudboonaadeen fadeexad dhanka musuq-maasuqa ah oo loo xirixray Saraakiil ka tirsan Xidhiidhka FIFA.

Prince Ali bin al-Hussein of Jordan
Prince Ali bin al-Hussein of Jordan

Sepp Blatter oo 79-jir ah ayaa doorasho maanta ka dhacday Magaalada Zurich ee Wadanka Switzerland wuxuu kaga adkaaday musharraxii la tartamayay ee u dhashay dalka Jordan, Ali Bin Al-Hussein, kaasoo soo dhaweeyay dib u doorashada madaxweynihii hore ee FIFA Sapp Blatter.

FIFA_front

Madaxweynaha dib loo doortay ee FIFA ayaa helay Codad dhan 133, halka Murashaxii la tartamayay ee Ali Bin Al-Hussein oo 39-jir ah uu isna ka helay 73-cod, isagoo sheegay in uusan galayn wareeg labaad oo tartan ah.

“Waan ku faraxsanahay Guusheyda, Waxaan kaloo jeclahay Shaqadeyda iyo inaan idin la joogo,” ayuu yidhi Sepp Blatter markii la doortay kaddib, isagoo mar kale yidhi. “Mar labaad waxaan ballanqaadayaa inaan horumarin doono Xidhiidhka FIFA.”

 Sepp Blatter celebrates after his re-election as Fifa president. Photograph: Michael Buholzer/AFP/Getty Images
Sepp Blatter celebrates after his re-election as Fifa president. Photograph: Michael Buholzer/AFP/Getty Images

Ali Bin Al-Hussein oo isaguna hadlay doorashada looga adkaaday kaddib ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynayo doorashada dib loo doortay Blatter, isagoo xusay in qofkood uu ku guuleysan lahaa doorashada, uuna isagu guuleystay.

Fifa_election 6

“Xidhiidhka FIFA oo dhan, Gaar ahaan Madaxweynaha dib loo doortay Waxaan marka hore ugu hambalyeyn lahaa sida ay doorashadu u dhacday oo xaq ahayd, waxaan kaloo idin ka codsanayaa inaad howsha halkeeda kasii waddaan… aniguna waa idin la shaqeyn doonaa,” ayuu yidhi Bin Al-Hussein.

Dhanka kale, Madaxa Xidhiidhka UEFA ee Qaaradda Yurub, Micheal Platini oo Doorashada kaddib hadlay ayaa ku dooday inay jarayaan wada-shaqeynta kala dhexeysa FIFA, isgaoo intaas ku daray inuu u hambalyeynayo murashaxa laga guuleystay iyo guud ahaan Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

UEFA President Michel Platini
UEFA President Michel Platini

Platini ayaa ka mid ahaa 53-xubnood oo taageersanaa Murashaxa kale ee Bin Al-Hussein, iyadoo Guddoomiyaha ururka ciyaaraha Yurub, Greg Dyke uu isna Goobta ka sheegay in Britain ay ku dooday inaysan ka qaybgalayn koobka Adduunka ee dhici doona sannadka 2018-ka haddii dalalka kale ee Yurub ay go’aankaas wadajir ku noqdaan.

“Xidhiidhka UEFA sharaf weyn ayay u tahay inay taageeraan in Hoggaanka FIFA uu is-bedel ku yimaado, waayo waxaa naga go’an inaan soo celinno sumcadda xiriirka FIFA. Waxaana rumeysanahay in aragtideydu ay muhiim tahay, anigoo u mahadceliyo saaxiibkey Bin Al-Hussein oo aan aniga iyo xubno kale aan si weyn u tageersanayn in la doorto,” ayuu yidhi Platini.

Michel Platini ayaa Hadalkiisa ku daray in Xidhiidhka Kubadda Cagta ee UEFA ay Kulan ku yeelan doonaan todobaadka soo socda magaalada Barliin ee dalka Jarmalka, ayna ka hadli doonaan arrimo la Xidhiidha isbedel la’aanta hoggaanka Xidhiidhka FIFA.

Fifa_election

Si kasta ha ahaatee, dib u doorashada Sepp Blatter ayaa imaanaysa xilli madaxda xiriirrada caalamka qaarkood ay ku hanjabeen inaysan dib u dooran doonin Blatter ayna Murashaxa kasoo horjeeda dooran doonaan; inkatsoo Xalaaddu ay isku bedeshay sidaas ayna noqotay in mar shanaad dib loo doorto madaxweynaha FIFA Sepp Blatter.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here