Beesha SAMANE CABDALE Oo Xisbiga Waddani Ku Wareejisay Musharixiintii Uga Qeyb Galaysay Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deeganka + SAWIRRO

0
619

Hargeysa (HargeisaPress)–Madax dhaqameedka Siyaasiyiinta Iyo Aqoon Yahanka  Beesha SAMANE Cabdle  ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah  xisbiga mucaaridkah ee Waddani ay ugu gudbisay musharaxiinta beeshaas u meteli doonta tartanka doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

Labada Chief Caaqil ee Beesha SAMANE CABDALE ayaa waxaa ay xisbiga Waddani si rasmi ah ugu wareejisay oo ay cadeyeen in beeshu isku raacdey Musharaxiinta DR. Ciise Cabdiraxmaan Kayd oo u tartami doona Golaha wakiilada Somaliland Iyo Musharax Khadar Maxamed Maxamuud ( Khadar Qoorgaab ) oo u tartamaya golaha deeganka Hargeysa .

Madaxa dhaqameedkii  iyo siyasiyiintii madasha  joogey-na waxaa ka mid ahaa

Suldaan Xusen Suldaan Cabdiqadir,  Chief Caaqil Maxamed Xaashi Cabdilahi , Chief Caaqil Axmed Barre Caydiid , Caaqil Jaamac Cabdilaahi Magan Buubaal ,  Caaqil Ismacil Cabdi Aw Aadan , Siyaasi Cabdilahi Xusen Imaan Darawal , Siyaasi Cabdi Haybe Axmed , Siyaasi Prof Axmed Maxamed Cadaad.

Dhinaca xisbiga Waddani ayaa iyaguna  waxaa madsha ku sugnaa  Gudoomiyaha Xisbiga C/Raxmaan Ciro , Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka Xil. Cabdiqadir Jirde , Xoghayaha Guud , Xoghayaha Ciyaaraha Iyo Masuulyiin kale .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here