Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyada oo Diyaarinaya Adeegsiga Hanaan-xisaabeed Mideysan

0
801

Hargeysa (Hargeisa Press) – Bangiga dhexe ee Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyada, ayaa la sheegay inay diyaarinayaan adeegsiga hanaan xisaabeed ay ku mideysan yihiin hay’addaha dowladda.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyada iyo Bangiga Dhexe, ayaa si wada jir ah tabobar 3 cisho ah u furay saraakiil is ku dhaf ah oo ka kala tirsan Maaliyada iyo Bangiga Dhexe kuwaas oo si wada jir ah uga wada shaqeeya barnaamij casriyeyn iyo wax-ka-badel lagu samaynayo hanaanka ay hada u taalo qasnada lacagta ee xisaabaha Hay’adda Dawladdu.

Mashruucan oo lagu doonayo in la mideeyo xisaabaha uga furan Hay’addaha Dawladda Bangiga-dhexe, marxaladahii u dambeeyey maraya ayaa ujeedadiisu tahay helitaanka adeegsiga hanaanka midaysan ee xisaabaadka Hay’addaha Dawladda oo magiciisa loo soo gaabiyo TSA {Single Treasury Account}, kaasoo sare u qaadi doonaa wax-ku-oolnimada lacagta Dalka, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Mukhtaar Cabdi Quule, Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe oo hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in dowladahu tahay jidh keliya, loona baahan yahay in hantideedu meel keliya oo xafidan lagu shubo.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe Eng Cali Cabdilaahi Daahir oo tabaraka furay, ayaa sheegay inay dalkeena guul u tahay in laga bilaabo hanaanka dakhliga mideysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here