Wasiir Godane oo Kormeeray Goobaha Caafimaadka iyo Waxbarashada Ee Gobolka Badhan

0
1222

Badhan (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda shaqo-galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali oo ku sugan magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa waxa uu kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Badhan, isagoo kala hadlay sidii ay u ilaashan lahaayeen nabbed-galyadda.

Intii kulankani socday waxa ay waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Badhan uga warbixiyeen wasiirka xaaladda gobolka iyo kan degmadda Badhan iyo sidoo kale baahiyaha ay qabaan deegaan ahaan.

Geesta kale, wasiirka, ayaa kormeeray goobaha waxbarashada ee ku yaala gobolka Badhan, isaga oo kulan la qaatay maamulka iyo masuuliyiinta goobaha waxbarashada.

Goobaha uu wasiirku soo kormeeray waxa ka mid ah Dugsiga Hoose Dhexe Siinay, Dugsiga Sare ee Al Nuur, Cusbitaalka guud ee gobolka Badhan, waxaana intii uu wasiirku marayey goobaha waxbarashada uu kulamo la qaatay ardayda iyo maamulka dugsiyadda, isagoo ardayda kula dar-daarmay in waxbarashada ku dadaalaan.

Ujeedada kormeerka wasiirka ee goobahan, ayaa ku qotomay u kuur-galida baahiyaha dhabta ah ee ka jirta goobahaasi isaga iyo wafdigiisu ay booqdeen.

Maamulka goobaha waxbarashada ee gobolka Badhan, ayaa wasiirka uga warbixiyey baahiyaha ay qabaan, waxaana ay wasiirka uga mahadceliyeen bookhashadiisa.

Intii uu wasiirku ku jiray kormeerkan waxa kale oo uu dhagax-dhigay guriga martida ee gobolka Badhan oo dhawaan dhismihiisu bilaabmi doono, waxaana dhagax-dhigaasi iyaguna goob joog u ahaa Guddoomiyaha gobolka Badhan Maxamud Xaamud iyo Maayarka Degmada Badhan Cabdalle Maxamuud Cabdi.

Sidoo kale, wefdiga wasiirku waxa ay kormeer ku tageen Cisbitaalka guud ee gobolka Badhan waxa ay soo indha-indheeyeen habsami u socodka shaqada cisbitaalka, isagoo bukaanada jiifa cisbitaalka xaaladooda kala sheekaystay, waxaana warbixin ka siiyey shaqada cisbitaalka maamulka iyo masuuliyiinta cisbitaalkaasi.

Gabagabadii bulshada ku dhaqan gobolka Badhan ayaan shalay u kala hadhin soo dhaweynta wefdiga wasiirka wasaaradda shaqo-galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Mustafe Maxamuud Cali oo shalay gaadhay gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here