Badhasaabka Sool Oo Tababar U Furay Guulaysteyaashii Shaqo Qaran

0
530

Laascaanood (Hargeisa Press): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta tababat u furay xubnihii ka soo baxay barnaamijkashaqoqaran. qaran.


Xubnahaasi ayaa muddo la shaqayn doona wasaaradda waxbarshadda kana hawl geli doona deegaamadda gobolka Sool, isla markaana ay macalinnimo kaga shaqayn doonaan.


Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa dhalinyaradaasi kula dar-daarmay in ay hawshoodda u gutaan si hufan oo daacad ah.


Waxaanu ku booriyay in dhalinyaradaasi ay yihiin dad aan lagu soo xulin nidaam qabiil, balse qof waliba uu aqoontiisa iyo kartidiisa ku soo baxay.


Taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay dariiqa ugu haboon ee uu qofku ku hprumari karo.
Badhasaabka ayaa ka sheekeeyay faa’iidooyinka kala duwan ee uu bulshadda Somaliland, qaranka iyo dawladnimadaba u leeyahay barnaamijka shaqo qaran.
Tababarkaasi ayaa socon doona muddo Shan maalmood ah, iyadoo ka qayb galeyaasha la bari doono duruus la xidhiidha hawsha ay qaban doonaan.


Sida uu sheegay isuduwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sool.
Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta Ee Furitaanka Tababarkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here