Buuq Gacan Ka Hadal Gaadhay Oo Ka Dhacay Fadhigii Maanta Ee G. Wakiiladda

0
686

Hargaysa (Hargeisa Press): Jawigii Saaka ee golaha Wakiiladda Somaliland waxaa ka dhashay sawaxan iyo qaylo ay sameeyeeen xildhibaanadu.
Kaasoo markii danbe gaadhay in mudane ka tirsan xildhibaanadu uu Caagad uu biyo ka cabayay kuu tuuray xoghayaha golahaasi.
Muranka iyo buuqa golaga ayaa ka dhashay in la ansixiyo xeerka doorashooyinka iyo diiwaangalinta codbixiyayaasha oo ay todobaadyadii tegay xildhibaanadu ka doodayeen.
Fadhiga maanta ee golaha Wakiilada oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa loo balansanaa in loo codeeyo xeeka doorashooyinka iyo diiwaangalinta codbixiyayaasha.
Hase yeeshee alqaar ka mida mudanayaasha ayaa ka soo hor jeesteen in cod la galiyo Xeerkan.
Kuwaasoo ku doodayay in la soo akhriyo oo qodob qodob lagu ansixiyo.
Waxaanu shir guddoonku ku amray in uu fadhiga ka baxo xildhibaan Faarax Muxumed Cabdule, oo xoghayaha golaha Wakiiladda Caagad ku tuuray, halka Xildhibaan Cabdicasiis Dhulcun, uu iskaga baxay fadhiga.

Geesta kale waxa fadhigan ka maqnaa Mudanayaasha golaha Wakiilada ee ka soo jeeda gobalka Awdal.
Kuwaasoo fadhiyadda golaha aan soo xaadirin tan iyo intii la guddo galay doodda xeerka doorashooyinka iyo diiwanagelinta codbixiyeyaasha.
Dhinaca kale waxaa gebagabdii fadhigaasi loo codeeyay in xildhibaanadda loo qaybiyo xeerka doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiueyaasha.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here