Badhasaabka Sool Oo Bulshadda Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeeyaan Xoojinta Amniga

0
530

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa  ugu baaqay guud ahaanba bulshadda gobolka Sool gaar ahaana dhalinyaradda gobolkaasi in ay ka shaqeeyaan xoojiyaan qaranimadda Somaliland.

Isagoona  kula dar-daarmay dhalinyaradda gobolkaasi in ay dedaalaan sidii ay nabadgeliyadda ugala shaqayn lahaayeen maamulka gobolka.

Waxaanu tilmaamay in cida nabadgeliyadda iyo deganaanshiyaha loogu raadinayaa ay yihiin da’yarta gobolka, isla haddii aanay nabad geliyo jirin aanay  sharaf iyo qurux yeelanaynin bulshadu.

C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay munaasibad loo qabtay arday ka qalin jebisay jaamacadda Gollis faraceedda magaaladda Laascaanood.

Halkan Ka Daawo Badhasaabka Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here