“Waxaan ka naxaa marka sanad walba toban kun oo arday soo qalin jebiyaan ee aynaan u haynin shaqo”…

0
545

Burco (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay sida aan shaqo abuur loogu samayn karin  dhalinyaradda faraha badan ee sanad walba ka qalin jebiya jaamacadaha dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliladn Cisman Jaamac Aadan, ayaa sheegay in aanay xukuumadu haynin qorshe lagu shaqaalaysiiyo ardayda jaamacadaha soo dhamaystay.

Cisman Jaamac Aadan, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad loo qabtay arday ka qalin jebisay jaamacadda Gollis faraceedda magaaladda Burco.

Waxaanu sheegay in uu isagu aad uga naxo marka uu arko kumanaan arday oo jaamacadaha soo dhamaystay, isla markaana aan shaqo loo haynin waxa ka iman kara.

“Waxaan mararka qaarkood ka naxaa, haddii sanad walba toban kun oo arday, ay inoo soo baxdo, oo aynaan u haynin shaqo, waxa ka iman doona.

Shirkado badan ma lihin, waxaad moodaa hantidda Somaliland ama hantida Soomaaliduba, mid uu qofku iska leeyahay, oo gaar ah, oo dadku ay ku shuraakoobeen aanay ahayn”ayuu yidhi wasiirka waxbarashadu.

Wasiirku waxa uu  xusay in maadaama aanay dalkeena ka jirin shirkado waaweyn oo shaqaalaysiin kara  dad fara badan ay adag tahay in shaqo loo hello dhalinyaradda jaamacadaha ka soo qalin jebiya.

Waxaany yidhi “Waxa uu wadanku horumaraa, marka ay shirkado samaysmaan, ee dadku markay tacabkoodda meel isugu geeyaan, ee ay wershado samaystaan, ee ay wax dhistaan.  Markaas ayay dadkooduna shaqooyin badan ay ka helaan”.

Dhinaca kale wasiir Cismaan Jaamac Aadan, waxa uu tilmaamay in waxbarashadu ay tahay wax loo baahan yahay, hase yeeshee ay lagama maar-maan tahay in loo meel dayo.

Taasoo uu ula jeedo in jaamacadaha dalku ay waxbarashadoodda ku daran kuliyadaha barashadda xirfadaha.  “Waxbarashadu way wanaagsan tahay, balse waa in loo meel dayaa”ayuu yidhi wasiirku.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here