Ardayda Kuuliyada ICT Jaamacada Camuud Ee Boorama Ayaa Socdaal Booqasho Ah Ku Yimi Madaarka Cigaal International Airport + SAWIRRO

0
1488

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ardayda Kuuliyada ICT Jaamacada Camuud ee Boorama ayaa booshasho ku yimi Madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargaysa.

Waxaa Ardaydan ku soo dhaweeyay oo xafiiskiisa ku qaabillay Maamulaha Madaarkaasi Maxamed Yuusuf Ismaaciil xog waran koobana ka siiyey habka shaqo ee hawlaha ka socda Madaarka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:-“marka koowaad waxaan u mahadnaqaynaa jaamacada camuud gudoomiye xigeenka jamacada kuliyada ICT ee jaamacada camuud booqashada ay nagu soo booqdeen madarka caalamiga ah ee cigaal , marka 2aad  waxaan idin leeyahay kusoo dhawaada garoonkiinii kusoo dhawaada caasimadiinii madaama aad ka timaadeen gobol kamida gobolada ugu aqoonta iyo waxbarashadaba fiican Somaliland.

Maamuluhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mar labaad ka anaga wasaarad ahaan sharaf bay noo tahay inaad nasoo booqataan   waayo waxaad naga doorateen wasaaradihii kale ee dawlada oo dhan waanu la soconaa amaana waxa noogu filan inaad naga soo dhex doorateen dhamaan hayadaha kale oo noogu timaadeen madaarkii caasimada si aad wax uga ogaataan qaabka diyaaradaha shaqaalaha iyo dhamaan nidaamka madaarku u shaqeeyo.

Maamuluhu wax uu ardayda u sheegay in ay ka mid yihiin shaqaalaha Madaarka Ardaydii ka horeysay iga eek a qalin jabisay Jaamacada Camuud waxaana uu yidhi“Waxa ka mida dhalinyaradii ka qalin jebiyay sanadihii idinka horeeyay jaamacada camuud waxaan jecelahay dhalinyaradaa kasoo qalinjebiyay jaamacada camuud inay yihiin kuwa ugu aqoonta badan ugu akhlaaqda badan uguna kartida badan shaqaalaha madaarka ka shaqeeya marka loo eego amaan iyo sharaf ayay jaamacad ahaana u tahay magacii iyo gobolkii ay huwanaayeen ee ay ka yimaadeen may khasaarin sifiican oo qurux badan ayay shaqadii iyo waajibaadkii loo diray ay uga soo baxeen”.

Gudoomiye ku xigeenka Kuuliyada ICT-ga Jaamacada Camuud oo halkaa ka hadlay ayaa ka dareen celiyey qaabka Maamulka Madaarku u qaabilay, kana waramay ujeedka socdaalkooda, waxaanu yidhi:-“aad iyo aad baan ugu mahadnaqaynaa maamulka madaarka caalamiga ha ee cigaal airport ee uu u madaxyahay maareeyuhu sida ay noogu soo dhaweeyeen socdaalkayagan jaamacada camuud qaybta ICTGA si aan u indha indhayno qaabka uu u shaqaynayo airportku waxna uga kororsano maareeyaha iyo maamulka noo ogolaaday meel aan loo ogolaan wasiiradu inay soo gaadhaan aad baan ugu mahadnaqaynaa.

Midka mida Ardayda oo ku hadlaysay afka Ardayda ayaa ka xog warantay meelihii ay booqasha ku tageen intii ay ka soo maqnaayen Boorama, sidoo kalena iftiimisay sida ay ula dhacsan yihiin booqashadoodan Madaarka, waxaana ka mid ahaa hadladeedii “Anagu waxaan kasoo safarnay magaalada borama ee caasimada gobolka awdal imikana ku sugan caasimada Somaliland labo cishona ku sugnayn magaalada burco iyo berbera safarkayagan oo ahaa indha indhayn iyo inaanu wax ka ogaano meelo badan oo ka mida Somaliland waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa maareeyaha iyo shaqaalaha sida quruxda badan noogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee cigaal aniga oo ku hadlaya afka ardaydayada maanaan filanayan in sidan naloogu soo dhawaynaayo madaarka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here