Wasiir Sacad Cali Shire Oo ka hadlay Nuxurka Kulan Ay Maanta La Yeeshay Guddida Arrimaha Dibada Ee Golaha Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland Iyo Safaro Uu Ku Tagay Dalal Badan Oo Dunida Kamid Ah

0
1056

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Guddida arrimaha dibada u qaabilsan golayaasha wakiilada iyo guurtida Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Waxaana ay guddidan wasiir Sacad wax ka waydiiyeen arrimo badan oo khuseeya shaqada wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa isagu faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulan uu daaranaa waxaana uu xusay in guddidan uu warbixin kooban ka siiyay habsami u socodka shaqo ee wasaaradda arrimaha dibada Somaliland.

Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlay kulankan ayaa waxa uu yidhi sida tan

β€œSaaka waxaan soo maray labada gole qaran ee golaha wakiilada iyo golaha guurtida guddiyada u qaabilsan arrimaha dibada,ujeedaduna waxay ahayd inaan uga waramo wasaaradda iyo hawlaheeda labada guddiba waxa aanu leenahay wada shaqayn wanaagsan mana aha markii ugu horeysay ee aan isku nimi waanan isku nimaadnaa had iyo jeer”sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here