Aqlabiyadda Dalladda Dhalinyarada Ee SONYO Oo Cabdicasiis Xirsi Warsame U Doortay Gudoomiye

0
996

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ergooyinka haysta Aqlabiyadda Dalladda SONYO ayaa galinkii hore ee Maanta hogaanka Daladda ku doortay Munaasibad ka dhacday Hotel-ka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa ka dib markii mudo laba maalmood ah la sugayay Ergooyinka qaarkood oo Musharax Siyaad Cumar Cali wato.
Inka Badan 75 ka mid ah Ergada ka qayb galayay Shirweynaha 7-aad ee SONYO oo ka soo kala jeeda Gobolada Maroodi Jeex, Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag ayaa Saaka Codkooda siiyay Musharax Cabdicasiis Xirsi Warsame oo tan iyo markii shirka lagu kala kacay hogaaminayay Aqlabiyada Ergooyinka.
Sidoo kalena Golaha sare ee la doortay ee Dalladda Sonyo oo ka kooban 18 Xubnood ayaa 14 ka mid ahi joogeen fadhiga lagu doortay Cabdicasiis.
Garabka taabacsan Musharax Siyaad Cumar Cali, ayaa diiday in Cod lagu kala baxo habeen hore oo uu ku eekaa in la doorto Hogaanka Sonyo, iyagoo iskaga dareeray Hoolka Shirka. Waraka ayaa sheegaya inay Xukumadda gacan ka helayaan islamarkaana Wasiiro Xukumadda ka tirsani hogaanka SONYO la doonayaan Musharax Siyaad Cumar Cali.
Gudoomiyaha loo doortay Sonyo ayaa Wasiirka Ciyaaraha ku eedeeyay inuu qabyaalad ku kala jabinayo Dhalinyarada“Waxaad la socotaan in Maalintii Shirweynaha 7aad ee SONYO uu hotel Ambassador uu ka furmay Hargaysa waxa dhacay khaladaad badan, inkastoo aanu xagayaga aanu muujinay tanaasul badan, waxa dhacday in markii la ogaaday inaan aqlabiyada haysano shirkiii laga dareeray oo la diiday Guushii, .markaa waxaanu dooranay Boodhkii, balse waxaanu dib u dhiganay Guddoomiyihii oo aanu is nidhi Xukuumaddu bal Xal laga gaadho. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu waddaa inuu Dhalinyaradii ku kala jabiyo Qabyaallad, maantanna waxa halkan lagu doortay Hoggaankii Dallada SONYO, waxaan ka shaqayn doonnaa Midnimada Dhalinyarada reer Somaliland, waxaan ka shaqayn doonnaa sidii SONYO loo badbaadin lahaa hal ku dhigga aynu qaadanaynaa SAVE SONYO.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here