Xukumadda Oo Cashuur Ku Soo Rogtay Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Somaliland

0
1388

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa Cashuuro ku soo rogtay Warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland, siiba Telefishanada dalka ka hawl gala, iyadoo mudo todobaad ahna u qabatay. Amarka Cashuurta oo maanta soo baxay oo ay Shabakadda HargeisaPress.com heshay ayaa waxaa lagu socodsiiyay Maamuleyaasha Telefishanada Madaxabanaan ee dalka, iyadoo lala socodsiiyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirka Warfaafinta.

Cashuurta Warbaahinta Madaxabanaan lagu soo rogay ayaa u muuqata mid lagu dabakhayo haddalo maalmihii u dambeeyay ka soo yeedhayay Wasiirka Warfaafinta kuwaasi oo ahaa in Warbaahinta la Xakameeyo, isagoo tilmaamay in Warbaahinta la diwaangalinayo lana siinayo Kaadh Wasaaraddiisu bixinayso, Liisan Cashuur lagaga qaado,Kaadh Wariyeyaashu ku hawl galaan iyo Guddi Anshax.

warqada cash

Warbaahinta Madaxabanaan ayaa Bayaan ay Shalay soo saartay kaga bixisay Jawaab Sharci qodobada Wasiir Cukuse ku xakamaynayo Warbaahinta islamarkaana ganafka ku dhufatay Qodobadaasi, iyagoo sheegay inaanu lahayn awoodahaas islamarkaana Dastuurka iyo Xeerarka Saxaafadda iyo kuwa xuquuqal Iinsaankuba madaxbaneeyeen Warbaahinta.

Caqabada ugu weyn ee Warbaahinta Somaliland ayaa inta badan lagu sheegaa inay tahay Dhaqaale Xumo, iyadoo arintaasi lagu soo bandhigay kulamo badan iyo daraasado la sameeyay. Sidoo kalena Mulkiilaha Telefishanka Horn Cabletv, ayaa maalmo sii horaysay sheegay in Warbaahintu dirqi ku wado hawlaha ay bulshada iyo dalkaba u hayso. Waxa uu sheegay in Telefishanka Qaranka iyo guud ahaan Wasaaradda Warfaafinta Lacagta ku baxdaa ka badan tahay dhawr wasaaradood Miisaaniyadooda balse Warbaahinta kale aanay haysan cid taageero dhaqaale u fidisa.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here