Afgembi ka dhacay Dalka Turkiga iyo Saraakiil Mileteri ah oo hoggaamineysa

0
1083

ISTANBUL —Saraakiil u hadlay Mileteriga dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay la wareegeen talada dalka, waxayna dalka oo dhan, gaar ahaan magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ay kusoo rogeen bandow socon doono illaa berri subax oo Sabti ah.

 

Taangiyada Ciidamada Mileteriga ayaa lagu arkayaa garoomada Ataturki iyo Ankara, waxaana gebi ahaanba la baajiyay duullimaadyadii garoonka Ataturki.

 

Ciidamada Mileteriga ee u daacadda ah saraakiisha hoggaamineysa af-gembiga ayaa waxay sidoo kale xidheen Buundada Bosphorus. Dhanka kale waxaa la arkayay dadweyne isu soo baxay oo u muuqday kuwo kasoo horjeeda af-gembiga ay ciidamada sammeynayaan balse waxaa dadkaasi lagu soo ridayay rasaas ka immaaneysay dhinaca ciidamada.

Buundada_Bosphosus

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in magaalada Ankara laga maqlayo dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda, lamana oga illaa iyo haatan wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta dhaceysa.

 

Ra’iisal Wasaaraha dalka Turkiga Mr. Binali Yildirim  oo af-gembiga saraakiishu sheegteen ka hadlay ayaa sheegay in ay koox isku dayday in ay talada dalka Turkiga  la wareegaan, mase sheegin cidda ay kooxdani tahay.

turkey

Madaxweynaha Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan oo isna ka hadlay af-gembiga ayaa sheegay in af-gembiga uu dhicisoobi doono, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay soo baxaan oo ay ka horyimaadaan kooxda dooneysa in ay xukunka la wareegaan.

 

Af-gembigan ayaa wuxuu immaanayaa iyadoo dalka Turkiga, gaar ahaan magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ay ka dhaceen qaraxyo waa weyn oo khasaase naf iyo maal leh geystay, kuwaasi oo midkii ugu dambeeyay uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Ataturki ee magaalada Istanbul.

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha af-gembiga Turkiga kula soco wararkeena soo socda haddii Alle idmo.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here