Abwaan Yuusuf Shaacir Miyuu Aqbalay Xilka Muqdisho Looga Magacaabay?

0
1910

Hargeisa (Hargeisa Press) – Abwaan Yuusuf Cabdulle Cismaan (Yuusuf Shaacir) oo ka mid ah Abwaanada reer Somaliland, ayaa waxaa uu war ka soo saaray xil ay dowladda Soomaaliya u magacowday.

Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda fedaralka ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo soo saaray wareegto uu ku magacaabay guddigga hurumarinta Af-Soomaaliga, ayaa waxaa liiskaasi ka dhex muuqday Abwaan Yuusuf Shaacir.

Abwaan Shaacir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu sheegay in uu dowladda Soomaaliya ka aqbalay magacaabista guddida horumarinta Af-Soomaaliga ee ay ku dartay.

Waxaanu Abwaan Yuusuf Shaacir sheegay in loo magacaabay mid ka mid ah xeel dheerayaasha Af-Soomaaliga ee wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Abwaan Yuusuf Shaacir, ayaa sidoo kale sheegay in wasaarada waxbarashada Soomaaliya u sheegtay in ay laba liis soo saartay oo kala ah 19 qof oo guddida rasmiga ah iyo 5 qof oo xeel dheerayaal ah oo uu ku jiro magacowday.

Waxaanu sheegay in wasaarada waxbarashada Soomaaliya ku wergelisay in aanay guddigani ahayn guddiga rasmiga ahayd, laakiin ay u sheegeen in uu u noqonayo musdanbeed, xubin sharafeed ah oo waliba ay suuragal tahay in aydaan mushaar qadan.

Abwaanka, ayaa waxaa uu sheegay in shaqada uu qabanayaa aanay siyaasad shaqo ku lahayn.

Sikastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaa ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin xilka ay dowladda Soomaaliya u magacowday Abwaan Yuusuf Shaacir oo ay ku dartay guddigga hurumarinta Af-Soomaaliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here