Dowladda Soomaaliya oo Xil U Magacowday Abwaan Yuusuf Shaacir

0
2816

Muqdisho (Hargeisa Press) – Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda fedaralka ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji,,ayaa magacabay guddigga ku meel gaadhka ah ee hurumarinta Afka Soomaaliga.

Guddigan oo ka kooban 27 xubnood, ayaa waxaa gudoomiye u noqon doona Cabdulqaadir Nuur Xuseen.

Sidoo kale, guddigan hurumarinta Afka Soomaaliga ee uu magacabay Wasiirka Waxbarashadda, ee Soomaaliya, ayaa waxaa ku jira Abwaan Yuusuf Shaacir oo ka mid ah abwaanada ka soo jeeda Somaliland.

Sida ku xusan qoraal ay soo saartay wasaaradda waxbarshada Soomaaliya guddiga, ayaa wax ka qaban doona dhibaatooyinka haysta Afka Soomaaliga iyo hurumarinta Akadeemiyadd Goboleedka Af-Soomaaliga.

Hoos ka akhriso Liiska xubnaha la magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here