Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Ka Qarxay Magaalada Beledweyne

0
849

Beledweyne (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay bartamaha magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan Janaraal Abuukar Xuud.

Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jabis, kadib markii ay gudaha u galeen maleeshiyaadka uu wato Xuud oo ka soo horjeeda HirShabelle.

Wararka, ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu ka dhacay halkaasi, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada hubaysan ee uu hoggaamiyo Janaraal Xuud.

Xaaladda, ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli xiisad xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu salka ku hayo diidmada kooxda Janaraal Xuud ee ku aadan kulan ay maanta magaaladaasi ku yeelanayaan golaha wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle oo qaarkood shalay gaadhay gudaha Beledweyne.

Xuud iyo maleeshiyaadkiisa oo muddo ku sugnaa duleedka Beledweyne, ayaa ka waday halkaas abaabul ka dhan ah HirShabelle, waxayna arrintu ka dartay markii madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi uu shaaciyey in shirka golaha wasiirada lagu qabanayo Beledweyne, taas oo uu ka biyo diidan yahay janaraalkan ka gadooday doorashadii HirShabelle.

Si kastaba lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto iyo waxa laga filan karo HirShabelle oo golaheeda wasiirada ay maanta kulan xaasaasi ah ay ku leeyihiin halkaasi.

LEAVE A REPLY