Xubin Guddida Doorashooyinka Somaliland Ka Tirsan oo Is-casiley

0
608

Hargeysa (Hargeisa Press) – xubin ka tirsanaa Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa uu shaaciyay inuu iska casilay xubinimada guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.

Masuulkan iska casilay guddida doorashooyinka Somaliland oo lagu magacaabo Maxamuud Daahir Jaamac, ayaa iska casilaadiisa ku sababeeyay, kadib is qab qabsi iyo khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha guddida.

Xubintan is casishay, ayaa ka mid ahayd xubnaha Golaha Guurtida Somaliland ugu jiray guddida doorashooyinka, waxaana is casilaadiisu khasbaysa in golaha guurtidu ay dib usoo buuxiyaan jagada uu baneeyay.

Xiligan oo ay ahayd in ay bilaabanto diwaangalinta doorashooyinka soo socda ee Somaliland, ayuu khilaaf joojiyay shaqadii guddida doorashooyinka soo if baxay, kadib markii xubnaha koomiishanku ay doorteen guddoomiye cusub, isla markaana uu guddoomiyihii hore ee guddidu ku gacan saydhay is badalka.

Mucaaradka Somaliland ayaa khilaafka u dhexeeya guddida doorashooyinka ku sifeeyay in ay tahay dabin uu madaxweyne Biixi ku doonayo in uu doorashada dib ugu dhigo, oo uu isagu guddida khilaafka galiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here