9 carruur ah oo xanuun kusoo booday ugu geeriyooday degaanka Widhwidh ee gobolka Togdheer

0
645

Widhwidh,(HargeisaPress)—Ugu yaraan sagaal carruur ah ayaa degaanka Widhdhidh oo katirsan degmada Buuhoodle ee gobolka togdheer ugu geeriyooday cudurka maskax-garaadka ama meningitis, sida ay Saxaafada u xaqiijiyeen masuuliyiinta degaanka.

Dhowr iyo labaatan kale ayaa u jiifa xanuunkaan oo muddo toban cishe ka hor ka dilaacay degaankaas, kaasoo saf ka maray carruur badan.

Xanuunkaan ayaa markii hore la garan waayay waxa uu yahay, taasoo keentay geerida intaas le’eg, waxaana sidoo kale aad u liita xarumaha addeega caafimaadka ee degaankaas.

Somaliland ayaan weli ka hadlin dhibaatada halkaas ka taagan, inkastoo masuuliyiin degaanka ah ay direen qeylo dhaan ku saabsan in wax laga qabto xaaladaan taagan.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here