Xildhibaan Bidhi Oo Ka Warbixiyay Safar Uu Muddo Ugu Maqnaa Dalka UK

0
1465

Burco (HP): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uga soo qabsoomay safar uu muddo ugu maqnaa dalka Ingiriiska.

Xildhibaanka Bidhi, ayaa u mahad celiyay jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka Ingiriiska oo mudadii uu dalkaasi joogay uu kulamo kala duwan la yeeshay gaar ahaana jaaliyadda ka soo jeedda gobolka Togdheer.

Mubaarig Yuusuf Bidhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco, waxa uu sheegay in safarkiisu uu guullo badan ka gaadhay, isla markaana waxyaabo badani uga soo qabsoomeen.

Waxaanu yidhi, “Dalka UK ayaan safar ku joogay, waxaan kulamo iyo shirar la yeeshay jaaliyadaha Somaliland ee degan dalka UK. Si gaara jaaliyadda gobolka Togdheer. Marka hore waxaan u mahad naqaya, oo iyaga mudan in aan u mahad naqo, oo  u jeedadda aan shirkaygan jaraa’id u qabtayba ay tahay mahad naq.

In aan u mahad naqo dadkii sharafta badnaa, qiimaha badnaa, ee jacaylka ay u qabaan dalkoodda Somaliland iyo gobolkoodda ii soo dhaweeyay.

Anigoo su guud ugu mahad naqaya jaaliyadda, haday tahay London, haday tahay Bristol iyo haday tahay Cardiff iyo haday tahay Brigham-ba”.

Geesta kale xildhibaan Bidhi, waxa uu sheegay in waxa ugu badan ee ay jaaliyadu kala hadlayeen ay ahayd dhismaha garoonka diyaaradaha Burco iyo Waddada Oodweyne.

Waxaanu xildhibaanku ugu bushaareeyay jaaliyadda Togdheer ee UK in sanadkan la bilaabayo dhismaha garoonak diyaaradaha Burco, isla markaana ay lacagtii lagu bilaabayay diyaar tahay.

“Meel kastoo aan tago UK, wixii ugu badnaa ee ay jaaliyadu iyagala hadlaysay wuxuu ahaa madaarka diyaaradaha Burco iyo Waddada Oodweyne.

Waxaan idiin sheegayaa sidii aan ku balanay markii aan halkan imid, nasiib wanaag waxaan la kulmay wasiirka wasaaradda Wadooyinka iyo gaadiidka C/laahi Abokor.

Magaaladan Burco ayaan kula kulmay, markii aan u sheegay fariintiinii ahayd in qurbe joogtu dhibaatadda ugu weyn ee ay ka cabanayaan ay tahay garoonka diyaaradaha Burco iyo jidka Oodweyne’.

Waxaanu intaasi raaciyay, “Wasiirku wuxuu ii sheegay Waddada Oodweyne in la dhawaan la bilaabi doono bisha November ee sanadka 2020-ka. Waxa kaloo wasiirku ii sheegay in dhawaan la bilaabi doono garoonka diyaaradaha Burco, oo loo hayo lacag 5 milyan oo dollar ah. Isagana dhismihiisa la bilaabi doono sanadkan.

Idinkuna haddii aad tihiin qurbe joogta Togdheer iyo goboladda Bariga Somaliland, in aad u diyaar garawdaan wixii aad idinkuna kaga qayb qaadan lahaydeen dhismaha madaarka Burco, marka la bilaabo”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Dhinaca kale Mubaarig Bidhi, waxa uu u mahad naqay laba muwaadin oo degan dalka UK oo midna daawooyin ugu deeqay cusbitaalka Burco, halka midna uu baabuur Unbalance ah ugu deeqay gobolka Togdheer.

“Waxaan u mahad naqayaa Layla C/laahi, oo ah gabahd muwaadinad reer Somaliland ah, oo in bada-na degaamo gobolka Togdheer ah wax badan ka qabatay. Imikana waxay igu wareejisay baabuur Unbalance ah, oo ay ugu tallo gashay gobolka Togdheer.

Waxa kaloo aan isna u mahad naqayaa ninka la yidhaahdo Aadan Dheere, ee London degan, oo isna Daawooyin ii soo dhiibay, daawooyinkaasi oo soo socda. Taasoo uu ugu tallo galay dadka Madaxa wax ka qaba.

Intii aan UK joogay, daawooyinkaa  iyo baabuurkaasi Unbalance-ka ah, ayaan u soo helay gobolka Togdheer, kuwaasoo marka ay ina soo gaadhaan ku wareejin doono wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer.

Balan qaadyo kale way jireen, oo dhinaca ciyaaraha iyo waxbarashadda ah, oo iman doona” ayuu yidhi xildhibaan Mubaarig Bidhi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here