Gudoomiyaha Jaaliyadda Holland oo Safar Shaqo ku tagay Somaliland oo ka Warbixiyay

0
896

Hargeysa,(HargeisaPress)— Gudoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland mudane Maxamuud Cabdalle Digaale oo booqasho ku yimi Somaliland ayaa intii ku sugnaa wadanka waxa uu la kulmay Xukuumada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan isagoo u kuur galaayey heerka nolosha dadkiisa iyo wadciga dalkiisa Somaliland ku suganyihiin. Guddoomiyuhu intii u ku sugnaa Caasimada wuxuu sigaara ula kulmay Madaxwaynaha Somaliland mudane muuse biixi cabdi halkaasoo Madaxwaynahu uu ku qaabilay qasriga madaxtooyada ee Hargeisa si heer sare ahna uu usoo dhaweeyey
Guddoomiyuhu wuxuu Madaxwaynaha iyo madaxda kaleba u cadeeyey ujeedada socdaalkiisu inay tahay is arag is barasho iyo xoojinta wada shaqaynta jaaliyadda Somaliland ee Holland iyo Xukuumada maadaama uu ku cusubyahay xilka Gudoomiyaha jaaliyadda oo dhawaan loo doortay.

Madaxwayne Muuse Biixi wuxuu kula dardaarmay gudoomiyaha in Jaaliyadaha debadu ay xoogga saaraan saddex arimood oo muhiim ah
1 – Caafimaad ka
2 – waxbarashada
Iyo Arimaha dibeda taasoo gudoomiyuhu dhankiisa garwaaqsaday waana talaabo horleh isku xidhka gudaha iyo debedu.

Mudadii safarkiisa uu ku joogay Somaliland wuxuu kulumo gaar gaar ah la yeeshay .
Madaxda Wasaaradda arimaha dibeda ,
Xafiiska qurbo jooga iyo wasaarada macdanta iyo tamarta .
Wuxuu socdaal gaaban ku tegay magaalo xeebeeda Berbera isagoo booqday Dekada Caalamiga ee Berbera port halkaasoo uu si heer sare ah uu Ugu soo dhaweeyey Maareeyaha Dekada Berbera mudane Siciid Xasan Cabdilahi

Ugu danbayn isagoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda iyo kiisa gaar ahaaneedba wuxuu mahadnaq balaadhan u celinayaa Illaahay inta kaso kaysana dhamaan dadkii sharafta lahaa ee si hagarla’ aaneed ugu soo dalkiisa hooyo .
Wuxuu sidoo kale hambalyada Sannadka cusub u dirayaa Jaaliyadaha
reer Somaliland ee ku nool dalka Holland iyo dhamaan ummadda Somaliland ee kala jira dunida dacaladeeda isagoo u rajaynaaya nabad iyo Caafimaad sannadka sannadkiisa .

Xaafiiska Hargaisapress Holland
Abdikarim qoorgaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here